Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir

Isniin, February 25, 2008(HOL): Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa maanta waxay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Waaxo ka tirsan Deegaannada Towfiiq iyo Juungal ee Degmada Yaaqshiid ayaa saaka waxaa howlgallo ka sameeyay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo xaafadihii ay ka howlgaleen ka qabqabtay dad badan.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus ayaa sheegay in xaafadaha ay howlgallada ka sameeyeen Ciidamadaas dad laga soo qabqabtay, wuxuuna intaas ku daray in xaafadaha ay Ciidamada ka howlgaleen ay ahaayeen sida uu yiri kuwo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaguna saaka waxay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo howlgalkoodana lagu sheegay mid lagu baacsanayay kooxo saaka dil u geystay Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmadaas.

Howlgalka ay Ciidamadan ka sameeyeen Degmada Wadajir ayaa wuxuu sidoo kale ku soo beegmay iyadoo xalay Xaafadda Buulo Xuubey ee Degmadaas lagu weeraray Bambo Gacmeedyo Ciidamo ka soo baxay Xarunta Villa Baydhabo oo socod ku marayay halkaas, kuwaasi oo weerarkii lagu qaaday uu askari kaga dhaawacmay.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa mar kasta howlgallo ka sameeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siiya, iyadoo weerarradaasina ay yihiin kuwo aan wax la taaban karo ku soo kordhin nabadgelyo xumida ka jirta Magaalada Muqdisho

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia