Hay’ad Samafal oo loogu magac daray Madiino Janaraal oo looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho


Isniin, February 25, 2008(HOL): Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Hay’ad Samafal oo loogu magac daray Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal) oo u ololeyn jirtay Nabadda iyo daryeelka bulshada, isla markaana geeriyootay iyadoo ku howlan u gargaaridda dad dhibaateysan oo Soomaaliyeed.

Hay’addan oo loo bixiyay Madino Janaral Memorial Foundation ayaa  sida ay mas’uuliyiinteeda sheegeen waxay raaci doontaa raadkii alle ha u naxariistee Madiino Janaraal, waxayna  u ololeyn doontaa nabadda iyo u gargaaridda dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha Hay’addan Ciise Maxamuud Cilmi oo ka hadlay munaasabaddii hay’addan looga dhawaaqayay oo ka dhacday Hotelka Jidda  ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Hay’adda Madino Janaral Memorial Foundation ay tahay Hay’ad Samafal oo wax u qaban doonta cid kasta oo dhibaateysan oo Bani’aadam ah, isagoo xusay in ay sidoo kale mabaadii’da Hay’adda ka mid tahay in Wadanka Soomaaliya lagu soo dabaalo nabad, isla markaana laga hor-tago wax kasta oo nabadgelyo darro keeni kara iyo in la dhowr qawaaniinta caalamiga ah ee la isla wada aqoonsan yahay.
 
“Hay’addani sidii ay Madiino xoogga u saari jirtay waxay iyadana xoogga saari doontaa daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka, dhowrista Xuquuqda Haweenka iyo weliba garab-qabashada cid kasta oo dhibaateysan”ayuu yiri Ciise Maxamuud Cilmi oo Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeedba ka codsaday in ay gacan ku siiyaan barbaarinta Hay’addan.

Sidoo kalena waxaa xafladdii lagu magacaabayay Hay’addan ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday Ururro u dooda Xuquuqda Aadanaha, gaar ahaan Haweenka, kuwaasi oo u badnaa Haween ay soo wada shaqeeyeen marxuumad Madiino Janaraal.

Sahro Maxamuud Axmed oo ka socotay Dalladda Haweenka Cogwo oo ay Madiino Janaraal ka wada tirsanaayeen Urur la magac baxay Horseedka Nabadda iyo Nolosha oo Muqdisho ka qabtay howlo muhiim ah ayaa waxay ku dheeraatay ka hadalka taariikhdii Madiino Janaraal, waxayna sheegtay in Madiino Janaraal ay ahayd qof karti leh, naxariis badan, isla markaana geesi ah oo aan ka gamban wax ka qabashada dhibaatooyinka.

“Madiino walaasheen Alle ha u naxariisto waxay ahayd qof naxariis badan oo jecel inay dadka dhibaateysan u gargaarto”ayay tiri Sahro Maxamud Axmed oo intaas ku dartay in intii ay ka wada shaqeynayeen HINA ay ku xusuusato inay ahayd qof dadaal badan oo waqtigeeda iyo hantideeda gelisa wax u qabashada dadka dhibaateysan.

Ururka Horseedka Nabadda iyo Nolosha oo ay ku bahoobeen in ka badan 50 haween ah waxaa ka mid ah waxyaabihii uu qabtay ee lagu xusuusto:

In uu hub ka dhigis ku sameeyay Maleeshiyooyin hubeysnaa oo dadka dhibaato u geysan jiray, kuwaasi oo inta hubka laga dhigay dabadeedna loo sameeyay mehrado shaqo.

In uu sameeyay Dugsiyo waxbarasho oo lacag la’aan ah, kuwaasi oo weli la dhigto, horayna ay uga aflaxeen arday badan oo Soomaaliyeed.

In uu dib u furay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka oo xirnaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii hore, kaasi oo haatan si lacag la’aan ah loogu daweeyo Hooyooyin iyo Dhallaan badan oo Soomaaliyeed.

In uu dib u furay Waddooyin ku xirmay Dagaalladii Sokeeye ee Dalka Soomaaliya ka dhacay, waxaana Waddooyinkaas ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarrama oo haatan ah Wadada kaliya ee sida weyn looga isticmaalo magaalada Muqdisho.

In uu abuuray xili ay nabadgelyo darro baahsan ka jirtay Magaalada Muqdisho Ciidamo Madani ah oo xaafad-xaafad isugu xiran, kuwaasi oo suurtageliyay in ay yaraadeen falal dhac, kufsi iyo dil ah oo xiligaas (xiligii Hoggaamiye Kooxeedyada) Mudisho ka jiray.

Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo ka mid ah Guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha oo iyadana ka hadashay munaasabaddii Hay’addan lagu magacaabayay ayaa waxay sheegtay in Madiino Janaraal ay ku taqaanay in ay ahayd qof u gargaarta dadka saboolka ah ee dhibaateysan, “Bulshada wanaaga jecel waa garab istaagi doontaa qof kasta oo wanaag sameeyay, waxaana leeyahay yaanan meel cidlo ah looga tegin waxyaabihii wanaagsanaa ee ay qabatay Madiino Janaraal”ayayna tiri Maryan Awreeye.

Sidoo kalena waxaa iyana ka taariikheeyay waxqabadkii Madiino Janaraal Haween kale oo ay ka mid ahaayeen Xakiimo Maxamuud, Caasho Shaacuur, Maryan Daqal iyo kuwo kale oo intii ay hadlayeen oohin is-heyn waayay markii ay xusuusteen Alle ha u naxariistee  Walaashood Madiino Janaraal.

Xakiimo Maxamuud iyo Caasha Shaacuur oo ay marxuumadda si weyn u soo wada shaqeeyeen ayaa waxaa sheegeen in ay Madiino Janaraal ay mararka qaarkood ku qasbi jirtay in ay u bareeraan wax ka qabashada dhibaatada ka jirtay Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, “Madiino maalin ayay dhiman lahayd, waxayna dhimatay iyadoo gacanteeda ugu qeybineysay raashin mucaawino ah dad ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku dhibaateysan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye”ayay tiri Xakiimo Maxamuud oo intaas ku sii dartay in Madiino Janaraal ay ahayd qof soo kifaaxday oo markii uu dalka burburayna u istaagtay in ay dadkeeda wax tarto.

Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal) ayaa hadalkii ugu dambeeyay ee ay bahda saxaafadda siisay waxaa uu ahaa mid ay uga digeysay dhibaatada dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ka soo gaareysa dagaallada, waxayna tiri “Dadku Caws ma ahan, Qoryo ma ahan, Biyo ma ahan, waa Bani’aadam Ilaahey karaameeyay, walaalayaalow ka joojiya xabadda dadka”.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Alle ha u naxariistee Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal) ayaa waxay u geeriyootay xabad ku fakatay oo 16-kii November 2007 kula dhacday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan agagarka Jaamacaddii Beeraha, halkaasi oo ay dad ka barakacay Magaalada Muqdisho ugu qeybineysay raashin mucaawino ah, waxaana geerideeda si weyn uga naxay Dad badan Soomaaliyeed oo qaarkood aan muuqaalkeeda arkin, balse waxqabadkeeda maqlay.









Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia