Burcad Koofur Afrikaan ah oo Wiil Soomaaliyeed ku dishay gobolka Limpopo ee dalkaas

Isniin, February 25, 2008(HOL): Burcad hubeeysan ayaa toogasho ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa xaafadda Slash Block oo ka tirsan tuulada Norten ee gobolka Limpopo ee dalka Koofur Afrika.
 
Burcadda ayaa waxa ay ka koobnaayeen ilaa sadex ruux oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa abaare 8dii habeenimo ee Axadii waxa ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen dukaan ay ku jireen laba wiil oo Soomaaliyeed, kadibna waxay rasaas ku fureen halkaas oo ay ku dileen Alle ha’u naxariistee Marxuun C/raxmaan Macalin Daa’uud  Halka uu wiilkii kalena ka baxsaday.
 
Burcadda ayaa waxa gudaha u geleen dukaankii oo ay ka boobeen qaar ka mid ah hantidii halkaa taalay iyo lacagba,
wax yar kadibna wey iskaga carareen goobtii.
 
Maxamuud Cismaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool isla tuuladaas oo aan wax ka weeydiinay dhacdadaas ayaa waxa uu HOL u sheegay in ay tahay markii ugu horeeysay oo qof Soomaali ah lagu dilay halkaasi.
 
Hase ahaatee  waxaa kale  oo uu Maxamuud inoo sheegay in isla bishan aynu ku jirno 14keedii isaga ay burcad kale ku dhaawaceen dukaankiisa oo ku yaalay meel aan sidaasi uga sii fogeyn isla goobta hadda uu dilku ka dhacay, isla markaana uu isaguba dhaawacan yahay.
 
Burcadnimada hubeeysan ee lagu ugaarsanayo Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika  ayaa waxa ay noqotay mid lala yaaban yahay oo aaney jirin cid wax ka qabaneysa, walow ay jiraan Jaaliyado cusub oo ay Soomaalidu leeyihiin oo dhawaan laga dhisay gobollo ka mid ah wadanka oo iyagu balan qaaday in ay kala xaajoon doonaan dowladda iyo Hay’adaha ammaanka qaabilsan sidii wax looga qaban lahaa dilalkan iyo dhaca joogtada ah ee lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa