Bam lagu weeraray Saldhigga Booliska Magaalada Beledweyne

Isniin, February 25, 2008(HOL): Bam kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa habeenimadii xalay kooxo aan la garaneyn  waxaa ay ku weerareen Sadhigga Baliiska Magaaladda Beledweyne waxaana inta la og-yahay weerarkaa ku dhaawacmay labo ruux oo mid ka mid ah uu ka tirsanaa Ciidamadda Baliiska Dowladda Federaalka.
 
Weerarka ka dib ayaa waxaa la maqlayay rasaas culus oo ay ridayeen Ciidamadda Dowladda Federaalka lakiin ma jirin cid wax ku noqotay rasaasta inkastoo haddana uu xirmaya dhamaan gacasigii magaaladda dad kuna bilaabeen in ay dib guryadooda ugu laabtaan.
 
Taliyaha qeybta Baliiska Gobalka Hiiraan Col. Cabdi Aadan Cadow ayaa sheegay in labadda ruux ee dhaawacu soo gaaray xiliggaa ku jireen Masjid ku yaala gudaha Saldhigga Baliiska waxaana uu intaa ku daray in si gaara ah Bamka loogu beegsaday Masjidka.
 
Inkastoo weerarka xalay uu ku soo baagamay xili ay bilaabeen Ciidamadda Dowladda Federaalka in ay sameeyaan howl-galo xiliyadda habeenkii lagula soconayo amaanka guud ee Magaaladda ayaa mar uu ka hadlayay Taliyaha qeybta cid uu u maleynayo in ay ka danbeeyeen weerarka waxaa uu sheegay in ay jiri karaa kooxo ka careysan sida uu hadalka u dhigay hab dhaqanka Ciidamada Dowladda Federaalka oo mar marka qaar ku kaca ayuu yiri falal dadka caro galin kara.
 
Ma'aha markii ugu horaysan oo la weeraro Sadhiga Baliiska Magaaladda Beledweyne waxaana weerarkii xalay lagu qaaday uu noqonayaa kii Afaraad oo kooxo aan la garan ku qaadaan Sadhiga, ilaa haddana ma jirto cid gaar ah oo arintaa loo soo qabtay.
 
dhinaca kale wararka ka soo baxaya dhulka Ismaamulka Soomaalidda Itoobiya gaar ahaa deeganadda hoos taga Degmadda Mustaxiil oo ay ka dhaceen dagaalo qaraar oo dhaxeeya beelo halkaa wadda degga ayaa sheega in xaaladu degan tahay, walow inta badan dadkii xoola dhaqatadda ahaa isaga tageen goobaha dagaalku maadaama ay dhici karto in loo dili heybta ay ka soo jeedaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia