Xoghayihii guud ee Dowladda hoose ee Degmada Wadajir oo saaka toogasho lagu dilay

Isniin, February 25, 2008(HOL): Waxaa saaka lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmadaas, kaasi oo lagu magacaabi jiray Aadan Xaashi.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa sheegay in ay Rag Bastoolado ku hubeysan toogeen marxuumka xili uu ku sii jeeday goobtiisa shaqada.

Waa mas’uulkii labaad oo muddo todobaad gudahiis ah lagu dilo Degmada Wadajir, habeen sii horeeyay ayayna ahayd markii ay kooxo hubeysan toogteen Guddoomiyihii Waaxda Jen. Daa’uud ee degmadaas.

Dilka saaka loo geystay Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmada Wadajir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay Xaafadda Buulo Xuubeey ee degmadaas lagu weeraray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la sheegay in ay socod ku marayeen Xaafaddaas.

Weerarka lagu qaaday Ciidamadaas oo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa waxaa ku dhaawacmay afar ruux oo isugu jira seddex ruux oo rayid ah iyo askari ka tirsanaa Ciidamadii la weeraray.

Goob-joogayaal ku sugan Xaafadda Buulo-Xuubey ayaa sheegay in sababta loo weeraray Ciidamadaas ay ahayd iyadoo Ciidamadan ay ka soo baxeen Xarunta Villa Baydhabo oo ay dadka deegaanka rumeysan yihiin in ay fariisin u tahay Ciidamo dhac ka geysta deegaankaas, waxayna taasi ku caddeeyeen iyadoo ay Xaruntaas ku xaroodeen Ciidamada  dhowr jeer oo hore oo ay dhac ka geystay Deegaankaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia