Qabanqaabadii ugu dambeysay oo loogu jiro Dhismaha Maamul cusub oo uu yeesho Gobolka Bay

Isniin, February 25, 2008(HOL): Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxaa ka socota qabanqaabo loogu jiro dhismaha maamul cusub oo  uu yeesho Gobolka Bay.

Gobolka Bay ayaa muddo bilooyin ah wuxuu yahay mid aan lahayn wax maamul ah, waxayna maamul la’aantaas soo wajahday Gobolka kadib markii ay is-qabteen mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo ee Gobolka Bay, taasi oo keentay in uu ugu dambeyntii is-casilo Guddoomiyaha Gobolka Xaaji Maxamuud Maxamed Barbaar.

Qabanqaabada loogu jiro dhismaha maamulka cusub ee Gobolka Bay ayaa waxaa laga dareemaya Magaalada Baydhabo, waxaana socda shirar ay Xildhibaannada Deegaanka la leeyihiin Wasaradda Arrimaha Gudaha oo iyadu kaalin weyn ku leh dhismaha maamul Goboleedyada Dalka.

Sii hayaha Xilka Guddoomiyaha Degmada Baydhabo C/qaadir Shiikh Cali Barako ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaallada maamulka loogu dhisayo gobolka Bay, wuxuuna sheegay in uu filayo in todobaadka soo socda la qaban doono doorashada maamulka Gobolka, inkastoo uu ka gaabsaday in uu sheego maalinta ay doorashadaas dhici doonto.

Gobolka Bay ayaa muddo bilooyin ah wuxuu ahaa mid aan lahayn wax maamul ah, waxayna taasi keentay in ay meesha ka baxdo kala dambeyntii iyo nabadgelyadii ka jirtay Gobolka, gaar ahaan Magaalada Baydhabo oo xaaladdeeda ammaan ay noqotay mid aan hagaagsaneyn.

Ugu dambeyntiinta, waxaa la dhowrayaa doorashada maamulka cusub ee Gobolka Bay iyo cidda ku soo baxda, iyadoo haatan ay jiraan musharixiin badan oo doonaya in ay qabtaan xilalka Guddoomiyenimo ee Gobolka Bay iyo Degmada Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia