Sabti, February 02, 2008(HOL): Gudoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshadda Degmadda Beledweyne C/raxmaan Cabdi Cilmi (Buruki) ayaa isaga oo jooga Deegaanka Jawiil ee Gobalka Hiiraan waxaa uu ku eedeyay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed in uu la wareegay Howlihii Maamulka heer Gobal iyo Degmo, isla markaana uu mas'uuliyiinta maamulka kula dhaqmayo tixgelin la'aan.
C/raxmaan Buruki waxaa uu intaa raaciyay in uusan jirin wax la tashi ah oo kala dhaxeeya Gudoomiyaha Laamaha kale ee Maamulka, Sidoo kale waxaa uu sheegay in sida uu hadalka u dhigay uu sameystay shaqsiyaad uu isaga soo xushay kuwaasoo qabanaya howlihii loo baahnaa in ay qabtaan Mas'uuliyiinta Dowladdu soo Magacaawday Gobolka.
"Waxaa jira dad xabsiyada ka buuxa oo aysan ka warqabin inta badan Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan, hadiise aad weydiiso sababta arintaana waxaa uu kuugu jawaabayaa aniga ayeey iquseysaa ayuu yiri C/raxmaan Buruki oo dhinaca kale sheegay in uu faraha kala baxay howlihii uu maamulka u hayay.
Eedeyntan uu soo jeediyay Gudoomiye ku-xigeen Arimaha Bulshadda Degmadda Beledweyne ayaa ah mid muujineysa sida inta badan Mas'uuliyiinta Maamulka Degmaddu ugu qanacseyn howlaha ka socdda gudaha Gobalka Hiiraan, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo hore Gudoomiyaha Degmadda Beledweyne Cilmi Saney Qaasim ka sheegay qaar ka mid ah Qalabka warbaahinta in uusan waxba kala socon arimaha la xiriira xariga maamulka Gobalku kula kaco qeybaha bulshadda.
Ugu danbeytiina lama oga jawaabta uu ka bixin doono Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan eedeynta markii ugu horeysay kaga timid mas'uul ka tirsan Maamulka Degmadda Beledweyne iyo waliba sida uu u arko in uu Maroorsaday howlihii ay qaban la haayeen qeybaha kale ee maamulka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Beledweyne oo eedeyn kulul u jeediyay Gobolka Hiiraan
More News
- Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo isa soo hor-fariisiyay Madaxda Idaacadaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada Nabad-sugidda
- Maamulka Gobolka Banaadir oo Nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Muqdisho ku eedeeyay Odayaasha Hawiye iyo Ururka Al-Shabaab
- Qarax sababay Dhimashada Labo Ruux oo xalay ka dhacay magaalada Beledweyne.
- SHIIKH AADAN MADOOBE: “Itoobiya waxaa Soomaaliya ku haya Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, waayo waxay wadaan dagaal, inta dagaalkaas socdana Itoobiya ma baxeyso”
- Baarlamaanka Islaamka oo soo dhaweeyay Xukuumadda cusub ee Soomaaliya iyo tallaabooyin ay qaaday
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo howlgallo ka wada Xaafado ka tirsan Degmada Hodan