Maamulka Gobolka Banaadir oo Nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Muqdisho ku eedeeyay Odayaasha Hawiye iyo Ururka Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir-Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)
Sabti, 2 Feb, 2008 (HOL)  Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ku eedeeyay Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Ururka Al-Shabaab in ay ka dambeeyaan nabadgelyo darrada ka jirta magaalada Muqdisho.
 
Maxamed Dheere oo maanta markii ugu horeysay aqrinayay warsaxaafadeed uu maamulkiisa soo saaray kadib markii la dilay Afhayeennadiisii ayaa wuxuu intaas ku daray  in dilalkii loo geystay Afhayeennadii Maamulkiisa ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab iyo Odayaasha Hawiye, “mas’uuliyaddaas waxaa iska leh kuwa isku sheega Al-Shabaab iyo kuwa isku sheega Odayaasha Hawiye maxaa yeelay waxaa caddeynaya hadallada uu ku hadlay Axmed Diiriye Cali”ayuu yiri Maxamed Dheere oo aan sheegin waxa uu ahaa hadalka uu sheegay Axmed Diiriye.

Maxamed Dheere oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in maamulkiisa uu beesha Caalamka la socodsiinayo in Al-Shabaab iyo Odayaasha Hawiye aysan ahayn kuwo u soo jeeda dib u heshiisiin, isla markaana ay yihiin kuwo ka soo horjeeda geedi-socodka nabadeynta Soomaaliya, sidaas darteedna ay u baahan yihiin in tallaabo laga qaado, waa sida uu Maxamed Dheere hadalka u dhigaye.

Hadalka uu maanta sii daayay Maxamed Dheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay uu Maxamed Dheere ku baaqayay in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay miiska wada hadalka yimaadaan, isla markaana ay xabadda joojiyaan, lama oga ilaa iyo haatan waxa bedelay baaqii xal-doonka ahaa ee uu jeediyay.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere  ayaa intaas kadib wuxuu tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen Afhayeennadii laga dilay Maamulkiisa ee kala ahaa Maxamed Muxyaddiin Cali iyo Cabaas Maxamed Nuur (Cabaas Galeyr).
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia