Sabti, 2 Feb, 2008 (HOL) Abaare Saacadu markey aheyd 2:30 Saqdhexe ee xalay ayaa waxaa laga wadda maqlay xaafaddaha Magaalada Beledweyne Qaraxa Miino Nooca dhulka lagu aaso ah kaasi oo sababay dhimashada Labo ruux oo loo maleynayo in ay ahaayeen kuwii doonayay in ay Miinadda dhigaan.
Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne oo ah halka Qaraxu ka dhacay ayaa Qaar ka mid ah dadka deegaanku waxaa ay u sheegeen HOL in lagu arkay Goobta Qaraxu ka dhacay Meydka Labo Ruux iyo waliba Bastooladdo loo maleynayo in ay siteen taasoo keentay shakiga ah in dadka dhitey ahaayeen kuwii doonayay in ay Miinadda halkaa Galiyaan.
Ciidamadda Baliiska oo markiiba Gaaray Halka Qaraxu ka dhacay ayaa Saraakiil ka tirsan waxaa ay sheegeen in Miinaddu Qaraxday ka hor inta aan dhulka la galin sababo dhinaca Farsamadda ah, waxaana ay intaa ku dareen in ay hubaal tahay dadka ku dhitay Qarax in ay ahaayeen kuwii Falka ka dabeeyay.
Qaraxa habeemimaddii xalay oo siweyn u gil-gilay Magaalada ayaa ku soo beegmay Xili habeenadii aynu soo dhaafnayba Ciidamadda Maamulku wadeen dhaq-dhaqaaqyo ay kula soconayaan Nabad-galyadda guud ee Magaalada oo sida la sheegay xiliyadda habeenkii ay soo galaan kooxo ku hubeysan Batoolado islamarkaana Ugaarsadda Mas'uuliyiinta Maamulka iyo Ciidamadda Dowladda.
Waa markii ugu horeysay oo la shaaciyo in Qarax ka dhacay gudaha Magaalada ay ku geeriyoodeen dadkii ka danbeeyay inkastoo haddana aan si dhab ah loo cadeyn karin Warkaa ku saabsan in dadka dhintey ahaayeen kuwii falka ka danbeeyay.
dhinaca kale wararka laga helayo Degmadda Maxaas ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in nin hubeysan ku dilay Labo ruux oo sida la sheegay ka soo jeedda Deegaanka Ceel-Buur ee Gobalka Gal-gaduud taasoo sida Gudoomiyaha Degmadda Maxaas uu sheegay wax yeeleyn karta hishiis horay u dhax-maray Beelaha kala degga Degmooyinka Ceel-Buur iyo Maxaas.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Qarax sababay Dhimashada Labo Ruux oo xalay ka dhacay magaalada Beledweyne.
More News
- Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Beledweyne oo eedeyn kulul u jeediyay Gobolka Hiiraan
- Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo isa soo hor-fariisiyay Madaxda Idaacadaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada Nabad-sugidda
- Maamulka Gobolka Banaadir oo Nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Muqdisho ku eedeeyay Odayaasha Hawiye iyo Ururka Al-Shabaab
- SHIIKH AADAN MADOOBE: “Itoobiya waxaa Soomaaliya ku haya Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, waayo waxay wadaan dagaal, inta dagaalkaas socdana Itoobiya ma baxeyso”
- Baarlamaanka Islaamka oo soo dhaweeyay Xukuumadda cusub ee Soomaaliya iyo tallaabooyin ay qaaday
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo howlgallo ka wada Xaafado ka tirsan Degmada Hodan