Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo howlgallo ka wada Xaafado ka tirsan Degmada Hodan

Sabti, February 02, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay howlgallo ka wadaan xaafado ka tirsan Degmada Hodan oo ay horay Ciidamadan uga baxeen.
 
Ciidamadan ayaa waxay howlgallada ka wadaan Xaafadda Taleex, xaafadaha u dhow Saldhigga Booliska Hodan, Nawaaxiga Tareebuunka iyo Xaafadda Kaasabolbollaare halkaasi oo ay habeen hore ka dhaceen dagaallo dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Howlgallada ay ciidamadan sameynayaan ayaa waxay hakiyeen isu socodkii dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha wadada isku xirta Isgoyska Bakaaraha, Tareebuunka ilaa KM4, waxayna haatan dadka iyo gaadiidkuba marayaan xaafadaha dhexdooda.

Ciidamadan oo horay halkaas uga baxay ayaa waxay dib u soo noqdeen kadib markii la weeraray Saldhigga Degmada Hodan, isla markaana la bililiqeystay qalabkii yiilay, waa sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska C/llaahi Ibraahim Cumar Shaacshaac.

Dhanka kalena, Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa shalay, xalay  waxay ahayd mid degan oo aysan ka jirin wax iska hor-imaadyo ah, marka loo eego habeen hore iyo dorraad oo ay xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir ay dagaallo ka jireen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia