Baarlamaanka Islaamka oo soo dhaweeyay Xukuumadda cusub ee Soomaaliya iyo tallaabooyin ay qaaday

Sabti, February 02, 2008(HOL): Baarlamaanka Islaamka oo shir ku yeeshay Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa wuxuu soo dhaweeyay dhismaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya iyo weliba qorshe howleedyada ay soo bandhigtay ee ay ku dooneyso in ay wax uga qabato mushkiladda Soomaaliya.

Shirka Baarlamaannada Islaamka oo haa midkii 5aad ayaa waxaa ka qeybgalay in ka badan 50 Dal oo Islaam ah iyo ururro caalami ah, iyadoo gunaanadkiisii laga soo saaray bayaan ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in xal loo helo mushkiladaha ka taagan dalalka Falastiin, Ciraaq, Lubnaan, Darfur-Sudan iyo Soomaaliya.

Bayaanka ka soo baxay shirka baarlamaannada Islaamka waxaa lagu soo dhaweeyay tallaabooyin ay qaaday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, taasi oo dhawaan xabsiga ka sii deysay Odayaal ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo  weliba Saxafiyiin u xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kalena Bayaanka ka soo baxay Baarlamaanka Islaamka wuxuu ku baaqay in la soo dhaweeyo nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya laga taakuleeyo dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Shirkan ay isugu yimaadeen Baarlamaannada Dalalka Islaamka ayaa waxaa Soomaaliya uga qeybgalay Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlmaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Baarlamaanka Islaamka ka mid noqdeen Xildhibaan Axmed Cumar Jees iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Cumar (Buriile).

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo qudbad ka jeediyay Shirkii Baarlamaanka Islaamka ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu wax badan qabtay intii uu dhisnaa oo uu ku sheegay muddo kooban, dhinaca kalena mar uu ka hadlayay goorta ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay ciidamadaas baxayaan marka la helo ciidamo bedela.

Intii uu socday Shirka Baarlamaannada Islaamka waxaa uu wafdiga ka socday Baarlamaanka Soomaaliya uu kulamo gooni gooni ah  la qaatay wakiillo ka socday dalalka Senegal, Mali, Congo, Sudan, Sacuudiga, Masar, Kuweyt iyo kuwo kale, kuwaasi oo ballanqaaday in ay deeq waxbarasho siinayaan Ardayda Soomaaliyeed haddii ay dalalkooda qaxooti ku yihiin iyo haddii ay ku sugan yihiin Dalka Soomaaliya intaba.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia