Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo isa soo hor-fariisiyay Madaxda Idaacadaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada Nabad-sugidda

Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga, Ahna Ra'iisal Wasaare ku xigeen-Axmed C/salaan Xaaji Aadan
Sabti, February 02, 2008(HOL): Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan dhexmaray madaxda Idaacadaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulankaasina uu soo qaabeeyay Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan.

 Intii aan la isa soo hor-fariisin madaxda iyo Idaacadaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada nabad-sugidda ayaa waxaa ugu horeyn kulan ku qaatay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Agaasimayaasha Idaacadaha Muqdisho iyo Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdisalaan, iyadoo kadibna uu kulan guud ka dhacay xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.
 
Kulanka ka dhacay Xarunta Taliska Booslika ayaa waxaa dhinaca Hay’adaha Ammaanka Qaranka uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Muuse Nuur Amiin, Taliyaha Ciidanka Nabad-sugiida Jen. Maxamed Warsame Darwiish iyo saraakiil kale oo ka socday Talisyada Mileteriga iyo Booliska Soomaaliyeed, halka uu Wasiirka Warfaafintana dhexdhexaadinayay Madaxda Idaacadaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ammaanka Dowladda Federaalka, iyadoo ay xusid mudan tahay in kulankan ay goob-joog ka ahaayeen wakiillo ka socday Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha.
 
Shirkan ayay labada dhinac isku weydaarsadeen dhaliilo ay kala tabanayaan, iyadoo Madaxda Idaacadaha lagu dhaliilay inay qeyb ka yihiin Nabadgelyo-darrada ka jirta Magaalada Muqdisho, halka Saraakiisha Nabadgelyada iyana lagu dhaliilay in aysan u shaqeynin sida dowlad oo kale, isla markaana ay u shaqeeyaan qaab mararka qaarkood sharciga hareer marsanaa.
 
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo isagu kulankan isugu keenay labada dhinac ayaa wuxuu dhawaan sheegay in uu wax weyn ka qeyban doono dhibaatooyinka ay isku qabaan Hay’adaha Nabadgelyada Dowladda iyo Idaacadaha madaxa bannaan ee Magaalada Muqdisho,  iyadoo kulankanina uu u muuqdo mid la doonayo in lagu helo wadiiqo ka duwan middii kala aarsiga ahayd ee ay labada dhinac horay ugu dhaqmi jireen.

Kulankan oo aysan wax natiijo ah ka soo bixin ayaa waxay dhinacyadii ka qeybgalay  dib ugu ballameen in ay kulamo kale isugu yimaadaan, si loo sii lafo-guro waxyaabaha salka u ah is-qabadka Saxaafadda iyo Hay’adaha Nabadgelyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in kulankii maanta uu ka muuqday sawir ka duwan midkii labada dhinac ee shirka loo qabtay ay kala heysteen intii aan la isa soo horfariisin.
 
Dhowr jeer oo hore ayaa saraakiil ka tirsan Guddiga Ammaanka Qaranka waxay u xireen Wariyayaal iyo Idaacado ka howgala Magaalada Muqdisho, inkastoo Idaacadahaas iyo wariyayaashaasba markii dambe la sii daayay iyadoo aan la caddeynin wixii markii horeba loo xiray.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, kulankan maanta dhexmaray Madaxda Idaacadaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay  dowladda Federaalka Soomaaliya u xiran yihiin labo Wariye oo kala ah Bashiir Maxamed C/qaadir (Al-Bashiir iyo Maxamed Shidane Dabaan), kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la caddeynin waxa lagu heysto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia