Sabti, February 16, 2008(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa maanta wuxuu si kulul uga jawaabay hadal ay xalay sii daayeen saraakiil u hadlay Ciidamada Amisom ee Muqdishio ku sugan, kaasi oo ahaa in Madaafiic Hoobiyayaal ah oo lagu weeraray Dekedda Muqdisho laga tuuray Suuqa Bakaaraha.
Cali Dheere waxaa uu sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin oo ay ganacsato ahaan ka xun yihiin, wuxuuna sheegay in ay caddeynayaan in aan madaafiicdaas laga tuurin Suuqa Bakaaraha.
“Dekedda Hantideena ayaa taala sidaas darteed sidee suurtagal ku noqoneysaa in Madaafiic Suuqa dhexdiisa looga tuuro”ayuu yiri Cali Dheere oo sheegay in ay hadalkaas u arkayaan mid la doonayo in la xalaaleysto dhibaato la doonayo in la gaarsiiyo Suuqa Bakaaraha.
Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha waxaa uu intaas ku daray in Suuqa Bakaaraha ay ku hareen ganacsato yar oo faro-ku-tiris ah, taasina ay timid kadib markii uu Suuqa noqday meel ay ku dagaalamanaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda.
Cali Dheere oo sii hadlayay waxaa uu ugu baaqay mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka in ay soo farageliyaan, isla markaana ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira Suuqa Bakaaraha oo muddo dhowr bilood ah aanu ka jirin wax ganacsi ah oo la sheegi karo.
Dhanka kalena, waxaa muddo todobaad ah ka badan aanu wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin Waddooyinka koowaad iyo labaad ee Suuqa Bakaaraha, kadib markii ay halkaas ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoyska Howl-Wadaag iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia