Sabti, February 16, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kadib muddo dhowr bilood ah oo uu ka maqnaa.
Madaxweynaha ayaa intii uu ka maqnaa Magaalada Muqdisho waxaa uu u dhaxeeyay magaalooyinka Baydhabo, Nairobi, London iyo Addis Ababa oo uu arrimo kala duwan u tegay, waxaana Muqdisho ugu dambeysay markii ay is-khilaafeen isaga iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.
Madaxweynaha ayaa wuxuu maalmihii tegay ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulamo ku lahaa mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya iyo weliba mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Midowga Afrika, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Addis Ababa isku arkeen Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi, kuwaasi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Si loo sugo ammaanka Madaxweynaha ayaa waxaa ciidamo badan lagu daadiyay Waddooyin dowr ah oo Muqdisho ku yaala, sida Wadada ka timaada Garoonka Diyaaradaha ee tagta Isgoyska KM4, Wadada Makka Al-Mukarama iyo tan KM4 ka baxda ee u kacda dhinaca Afisyooni.
Dib ugu noqoshada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo la bedelay Xukuumaddii ay Ra’iisal Wasaaraheeda isku dhaceen, isla markaana loo dhisay Soomaaliya Xukuumad tiro-yar oo waxqabadkeeda ugu horeeya ka dhigatay inay Nabadgelyo iyo Dib u heshiisiin ku soo dabaasho dalka Soomaaliya, iyadoo la xusuusan yahay in tallaabadii ugu horeysay ee ay Xukuumadda qaaday ay noqotay iyadoo xabsiyada dowladda ka sii deysay qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye oo Dowladda u xirnaa iyo weliba Maxaabiis kale oo iyana laga soo daayay Xero Mileteri oo ku taala Gudaha Dalka Itoobiya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadaallada ay waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay u qaaday dhinaca Dib u heshiisiinta ayaa waxaa soo dhaweeyay Dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u arka Xukuumaddan in ay tahay mid dhiig-joojin ka sameyn karta Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimaddiisa Muqdisho oo muddo sanad ka badan ay ka socdaan dagaallo, qaraxyo iyo dilal qalaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia