Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ka sameystay Degmada Buula-Burte ee Gobolka Hiiraan

Sabti, February 16, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah kuna hubeysan ilaa 21 Gadiidka Dagaalka ah ayaa markii ugu horeysay waxaa ay fariisin cusub ka sameysteen goob 5km dhinaca Waqooyi kaga beegan Degmadda Buula-burte ee Gobalka Hiiraan sida ay HOL u xaqiijeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
 
Ciidamaddan oo ka soo anba baxay magaaladda Muqdisho ayaan la ogeyn sababta keentay in ay fariisin ka dhigtaan Degmadda Buula-burte iyadda oo markii hore la filayay in ay soo gudbaan qeybo ka mid ah Gobaladda dhaxe , waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in kulan looga wada hadlayo arimaha amaanka uu dhaxmari doono saacaddaha soo socda Odayaasha Degmadda iyo Ciidamadda Itoobiya.
 
Ilo Xog-ogaal ayaa sheegaya in Ciidamaddu shaki buuxa ka qabaan watadda u dhaxeysa Magaaladda Beledweyne iyo Degmadda Buula-burte oo dhawr jeer oo hore Dagaal uu ku dhaxmaray Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Kooxo ka soo horjeedda, waxaana lagu wadaa kulanka la filayo in uu dhax-maro Ciidamadda iyo Odayaasha Degmadda in   laggu soo qaado arimo ku saabsan kooxaha kacdoonka wadda iyo sida laga yeelayo hadii ay isku dayaan in ay weeraraan Ciidamadda marka ay doonayaan in ay u gudbaan dhinaca Gobaladda dhexe.
 
Dhinaca kale deegaanka Jante-guudisho ee duleedka Magaaladda Beledweyne ayaa waxaa habeenimadii xalay soo gaaray qaar ka mid ah Ciidamadii Itoobiyaanka ee horey halkaa uga guuray, kuwaa oo sidda warar soo baxaya ay tilmaamayaan la socon doono dhaq-dhaqaaqa watadda isku xirta Magaaladda Beledweyne iyo Degmadda Buula-burte ee Gobalka Hiiraan.
 
Ilaa iyo hadda ma'jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Gobalka Hiiraa oo la xiriira Ciidamadda soo gaaray Degmadda Buula-burte iyo dhab ahaan halka ay ku wajahan yihiin, iyadda oo dhanka kalana uu jiro shaki dadku ka qabo waxa ka dhalan kara hadii ay Ciidamaddu isku dayaan in ay u soo talaabaan dhinaca watadda isku xirta Gobaladda dhaxe oo horaantii Sanadkii ina dhaafay mar lagu weeraray Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo anaba baxay Magaaladda Muqdisho meel aan ka fogeyn Tuuladda Hal-gan oo ka tirsan Degmadda Buula-burte.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia