Sabti, February 16, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay gudaha Degmadaas lagu dilay labo nin oo rayid ahaa.
Labada nin ee la dilay ayaa la sheegay in ay toogteen Rag hubeysnaa, xili ay labada Nin ee la dilay ku sugnaayeen meel ay Shidaal ka iibsanayeen.
Lama oga ilaa iyo haatan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka labadaas Nin loo geystay, inkastoo ay dhici karto in dilkaas uu salka ku hayo waxyaabo dhexmaray ragga dilka geystay iyo kuwa la dilay.
Guddoomiyaha Degmada Guriceel Cali Shiikh ayaa saxaafadda u sheegay in lagu daba-jiro raggii dilka geystay, isla markaana la soo qaban doono, inkastoo la sheegay in ay raggaas mar hore baxsadeen.
Ugu dambeyntiina, Dilka loo geystay labada Nin ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay ammaanka Degmada Guriceel sugayeen Ciidamo Madani ah oo ay Dadka Deegaanka sameysteen, iyadoo dilkii xalay ka dhacay Guriceel-na uu xiisad ka dhaliyay Degmada oo markii uu dilkaas dhacay ay dadka goobahooda ganacsiga xireen, guryahoodana ay ku xaroodeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia