Sabti, February 16, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka codsatay Qaramada Midoobay in ay de-dejiso Ciidamo ka socda UN-ka oo Soomaaliya loo diro, si ay u bedelaan Ciidamada Amisom ee haatan ku sugan Magaalada Muqdisho.
Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Cilmi Axmed Ducaale ayaa ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay raad-raacaan codsi uu horay u soo jeediyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee ahaa in Ciidamo UN-ka ka socda loo diro Soomaaliya.
“Si looga hortago in ay ka sii darto xaaladda ammaan ee Dalka Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay de-dejiyaan meel-marinta codsigaas”ayuu yiri Danjire Cilmi Axmed Ducaale.
Sidoo kale Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Qaramada Midoobay Lila Ratsifandrihamanana ayaa xusuusiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Madaxdii Midowga Afrika ee dhawaan ku shirtay magaalada Addis Ababa ay ugu baaqeen Qaramada Midoobay in ay keento Ciidamo bedela Ciidamada Amisom ee Soomaaliya jooga.
Laakin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Ban Ki-Moon oo ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxay labaduba ka walaacsan yihiin sida Ciidamo loogu diri karo Soomaaliya oo ay maalin walba ka dhacaan iska hor-imaadyo iyo Madaafiic ay is-weydaarsadaan dhinacyada isku haya Soomaaliya.
Guddoomiyaha xiligan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ah Danjiraha UN-ka u fadhiya Dalka Panama Mr. Ricardo Alberto Arias ayaa sheegay in uu Golaha ka wada xaajoon doono arrintaas marka uu helo warbixin Soomaaliya ku saabsan oo uu ka sugayo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon, kaasi oo qudhiisa soo saarista warbixinta laga sugayo ay kaga xiran tahay sida uu u helo warbixin uu isna ka sugayo Guddi Xaqiiqo Raadin ah oo dhawaan Soomaaliya booqasho ku tegay.
Ugu dambeyntiina Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa ku sugan Ciidamo ka socda Midowga Afrika, gaar ahaan Dalalka Uganda iyo Burundi oo marka tiradooda la isku daro ay noqoneyso 1,792 Askari, kuwaasi oo howshooda nabad ilaalinta ah ay ku kooban tahay Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho, Xarunta Madaxtooyada iyo Isgoyska KM4 oo ay inta badan isticmaalaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia