Qarax loola dan lahaa Gaari ay wateen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo saaka ka dhacay Degmada Kaaraan

Sabti, February 16, 2008(HOL):  Qarax xooggan oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho ayaa saaka wuxuu ka dhacay Isgoyska Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxaasina loola dan lahaa Gaari ay wateen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo halkaas marayay.

Qaraxan oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaaney wax khasaare ah ka soo gaarin Ciidamadii loola dan lahaa oo la sheegay in ay ka gudbeen Miinada kadibna ay gadaashooda ka qaraxday.

Dad ku sugan nawaaxiga Isgoyska Degmada Kaaraan oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in dhowr qofood oo ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay ay wateen Ciidamadii qaraxa ka badabaaday, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn meel ay la aadeen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax Miino lala beegsado Ciidamada Dowladda, waxaana jiray qaraxyo dhowr ah oo lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo weliba kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo qaarkood ay waxyeello ka soo gaartay Qaraxyadii lala beegsaday.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanaya Miinooyinka Dhulka lagu aaso ee lagu qarxiyo Gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta Dowladda iyo weliba Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka, iyadoo ay mararka qaarkoodna dhacdo in Miinooyinka dhulka lagu aaso ay ku qarxaan Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan sida Gaari Mini Bus ah oo ay dhawaan Miino kula kacday agagaarka Dugsigii 21-ka Oktoobar ee Degmada Waaberi, kaasi oo ay saarnaayeen Ganacsato Qaadka ka baayac-mushtarta oo Haween u badnaa.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia