Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo toogasho ku dilay Nin Rayid ah oo ku sugnaa Xaafadda Howl-Wadaag ee Magaalada Beledweyne

Khamiis, February 14, 2008(HOL): Sidda ay u sheegeen HOL dad goob joogayaal ahaa Ciidamaddo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka oo fariisinkoodu yahay Suuqa xoolaha ee Xaafadda howl-wadaag  ayaa toogasho ku dilay Nin rayid ah oo sida la sheegay ka ag-dhawaa fariisinka Ciidamadda.
 
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka Ninka rayidka ah oo dhawac ka soo gaaray Rasaasta ay ku fureen Ciidamadda Dowladda kadib ku geeriyooday Isbitaalka Guud ee Magaladda Beledweyne, wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamaddu ku Eedeyeen Marxumka geeriyooday in uu qorsheynayay falalka dhanka ahaa Ciidamadda dilka geystay, halka warar kalana ay tilmaamayaan in dilku yahay mid la xiriira arimo qabiil oo aysan si toos ah ugu lug laheyn Ciidmadda Dowladdu.
 
Markii uu dilku dhacay kadib ayaa xiriir ay HOL la sameysay hor-jooge ka tirsan Ciidamadda fariisinkoodu yahay Suuqa Xoolaha ee Xaafadda Howl-wadaag ayaa sheegay in uusan heyn tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan qaabka dilku u dhacay lakiin waxaa uu xaqiijiyay dhimashadda Ninka Rayidka ah.
 
Suuqa Xoolaha ee Xaafadda Howl-wadaag ee Magaaladda Beledweyne ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay weeraro lagu qaaday Ciidamadda Dowladda  kuwaa oo sababay dhimasho iyo dhaawac intaba, waana markii ugu horeysay oo uu soo baxo warku ku saabsan in Ciidamadda ku sugan Suuqa Xoolaha ee Xaaafadda Howl-wadaag toogasho ku dileen qof rayid ah.
 
dadka ku dhaqan Magaaladda Beledweyne ayaa wali u arka sii socoshadda dilalka loo   geysanayo dadka rayidka ah iyo Ciidamadda Dowladda kuwo sii xumeynaya amaanka guud ee Magaaladda Beledweyne oo xiligga habeenkii wixii ka danbeeya 9:00 Fiidnimo dadka guryahooda isagga xaroodaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia