Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo gaaray Magaalada Qaahira ee dalka Masar

Khamiis, February 14, 2008(HOL): Waxaa shalay gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo beryahan ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Socdaalka uu Shiikh Sharif ku tegay magaalada Qaahir ee dalka Masar ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro casuumad uu ka helay Dowladda Masar oo ka mid ah dowladaha sida weyn u daneynaya Arrimaha Soomaaliya, inkastoo aanu war rasmi ah ka soo bixin dhinaca Dowladda Masar.

Horay waxaa magaalada Qaahira u sii joogay Wafdi kale oo ka socday Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo uu horkacayay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo kulamo hordhac ah la yeeshay Jaamacadda Carabta iyo Dowladda Masar.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Masar oo casuumaad u fidisay Mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay dooneyso in ay dhexdhexaadiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Laakin iyadoo uu dadaalkaas socdo ayuu hadana guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Shiikh Shariif Shiikh Axmed sheegay in wada hadal dhexmara iyaga iyo Dowladda Federaalka uu ka dambeeyo iyadoo ay marka hore ka baxaan dalka Soomaaliya Ciidamada Itoobiya, waxaana hadalkaas ka soo horjeestay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in aan wada hadallada shuruud lagu xirin, isagoo caddeeyay in bixitaanka Ciidamada Itoobiya ay ka mid noqon karaan waxyaabaha laga hadlayo marka ay wada hadallada furmaan.

Dhanka kalena Guddoomiyaha Ibaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa inta uu joogo magaalada Qaahira ee Dalka Masar waxaa uu kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Masar, isagoo sidoo kalena muxaadarooyin ka jeedin doona Qaar ka mid ah Jaamacadaha Dalkaas.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dad badan oo Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa waxay si weyn u jeclaan lahaayeen in ay dhinacyada isku haya Soomaaliya isu yimaadaan oo ay wada hadlaan, heshiisna gaaraan, si ay uga baxaan dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee ay ku jiraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia