Khamiis, February 14, 2008(HOL): Waxaa xalay lagu dilay Degmada Yaaqshiid Guddoomiyihii Waaxda Heegan ee Degmadaas Marxuum Abuukar C/llaahi Cusmaan kaasi oo isagoo gurigiisa ku sii socday ay toogteen Rag Bastoolado ku hubeysan.
Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus ayaa sheegay in marxuumka oo uu ku tilmaamay nin wanaagsan ay dishay gacan ka gar-daran isagoo weliba ka soo baxay Masjid uu Salaaddii maqrib ku soo tukaday.
Dilka Guddoomiyihii Waaxda Heegan ee Degmada Yaaqshiid ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay maamulka Gobolka Banaadir uu shaaciyay in uu bilaabayo canshuur uu ka qaadayo Guryaha iyo Goobaha Ganacsiga ee ku yaala 14 Degmo oo ka tirsan Degmooyinkka Gobolka, iyadoo labada degmo ee hartayna uu maamulka sheegay in aan xiligan canshuur laga qaadi karin sababo nabadgelyo-darro aawgood.
Ma ahan mas’uulkii ugu horeeyay oo laga dilo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana horay loo dilay guddoomiyayaal degmo, ku xigeenno, guddoomiye waaxeedyo iyo Afhayeenno uu lahaa maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo dilalkaasina ay ka dambeeyeen sida la sheego kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
Dhanka kalena, waxaa xalay lagu dilay Xaafadda 21-ka Oktoobar ee Degmada Waaberi Nin ku labisnaa Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka, kaasi oo la sheegay in markii la dilayay uu ku guda jiray falal dhac ah. Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa in muddo ah waxay ka cabanayaan rag ku labisan dharka ciidamada oo kula kaca falal dhac ah, iyadoo ilaa iyo haatanna aysan jirin wax ay Dowladda Federaalka ka qabatay cabashadaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia