Xarun ay ku shirsaneyd Jaaliyadda Yemen ee Muqdisho oo Bambo gacmeed lagu weeraray

Khamiis, February 14, 2008(HOL): Xarunta Dugsiga Al-Kowthar ee Degmada Wadajir oo ay saaka shir ku lahayd Jaaliyadda Yemen ee ku dhaqan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu weeraray Qarax bambaano oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
 
Mas’uuliyiinta Jaaliyadda ayaa waxay ku lahaayeen Xarunta Dugsigaas shir ay uga hadlayeen arrimo u gaar ah, waxaana shirkaas ka qeybgalay Qunsulka Yemen u fadhiya Soomaaliya oo ay la socdeen Ciidamo Soomaali ah oo ilaalo u ahaa.
 
Lama yaqaano cid ka dambeysay Bambada lagu weeraray Xarunta ay shirka ku lahayd Jaaliyadda Yemen hayeeshee waxaa weerarkaas Bambaano ku geeriyooday Nin macalin ka ahaa Dugsi deegaankaas ku yaala kaasi  oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Dheere), halka uu dhaawac soo gaaray nin kale oo isna magaciisa lagu soo koobay Maxamuud Food-Cadde.
 
Markii qaraxaas uu dhacay kadib ayaa waxaa isku dhex yaacay dadkii ka qeybgalay shirkii ay Jaaliyadda Yemen ku qabsatay Xarunta Dugsiga Al-Kowthar, iyadoo halkaasina lagala cararay mas’uulkii ka socday Qunsuliyadda Yemen ee Soomaaliya.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxan maanta lagu weeraray shirka ay lahayd Jaaliyadda Yemen ee Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay jireen khilaafyo u dhaxeeyay Jaaliyadda Yemen ee Soomaaliya, iyadoo xitaa ay isku khilaafeen doorashooyin ay Jaaliyadda ku dooraneysay ciddii hoggaanka u noqon lahayd, lamase oga in qaraxan iyo khilaafkaas ay xiriir leeyihiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia