Khamiis, February 14, 2008(HOL): Louis Michel oo ah Madaxa Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimada ee Midowga Yurub ayaa si weyn u soo dhaweeyay dadaalka ay waddo xukuumadda uu Ra’iisal Wasaaraha ka yahay Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ee ku aadan soo celinta nabaddii iyo xasiloonidii Soomaaliya, isagoo si cad u sheegay in uu dadaalkaas taageerayo.

Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Louis Michel
Louis Michel waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in ra’iisal wasaaraha uu ballanqaaday in uu sii horumariyo geedi socodka loogu jiro in dalka Soomaaliya nabad lagu soo dabaalo, isla markaana la gaarsiiyo nidaam doorashooyin dimoqraadi ah oo loo wada dhan yahay oo Soomaaliya ka dhaca sanadka 2009, isagoo xusay in Midowga Yurub uu qorshahaas ku taageerayo lacag dhan 254 Milyan oo Euro.
Mas’uulkan u hadlay Midowga Yurub waxaa uu sheegay in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay ka go’an tahay in Xukuumaddiisa ay qabanqaabiso wada hadal loo dhan yahay oo ay ka qeybgalaan Kooxaha Mucaaradka ah, Bulshada Rayidka iyo kuwa Dibadda jooga iyo dhamaan Qolyaha ku lugta leh Siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna taasi u arkay Louis Michel mid mudan in si weyn loo taageero.
Kulan muddo saacad ah qaatay oo ay wada yeesheen Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Louis Michel ayaa waxaa kale oo ay uga wada hadleen sida loogu baahan yahay in la dhameystiro Ciidamada Amisom ee Soomaaliya jooga, kuwaasi oo la gaarsiinayo ilaa 8,000 oo Askari iyo in ay beesha caalamka dhinaca dhaqaalaha ka taageerto Ciidamadaas.
Markaasi kadib madaxa Madaxa Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimada Midowga Yurub Louis Michel waxaa uu ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Xukuumaddiisa in ay xushmeeyaan Xuquuqda Aadamiga iyo shuruucda la xiriirta Xagga Bani’aadannimada iyo weliba sidii ay ugu fududeyn lahaayeen dadka barakacay in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda.
Louis Michel waxaa uu sheegay in ay Shuruucda Caalamiga ah hareer marsan tahay in si ula kac ah loo bartilmaameedsado Shaqaalaha Gargaarka, isagoo sheegay in haddii tallaabooyinka ceynkaas ah ay sii socdaan ay sii kordhineyso dhibaatooyinka ay dadka shacabka ah qabaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia