Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay goor dambe galay Deegaanka Suuqa Xoolaha

Khamiis, February 14, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa xalay goor dambe waxay gudaha u galeen Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, iyadoo ay ciidamadaasna ka soo baxeen Xarunta Warshaddii Baastada iyo Xeradii Maslax oo Koofur iyo iyo Waqooyi ka kala xiga Deegaanka Suuqa Xoolaha.
 
Dadka ku nool Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa saaka markii ay soo tooseen waxay arkeen iyadoo ay guryahooda hor-fadhiyaan Ciidamo Itoobiyaan ah, waxayna taasi dadka ku kaliftay in aysan guryahooda ka soo bixin oo ay ku jiraan.
 
Ciidamadan oo iyadoo maalin ah tegi jiray Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa xalay galay Deegaankaas abaara 3-dii Habeennimo xili ay dadku hurdaan oo ay guryahooda ku jiraan.
 
Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan sababta ay Ciidamadan ugu faafeen Deegaanka Suuqa Xoolaha, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in ay  halkaasi u tageen in ay howlgallo ka sameeyaan halka warar kalena ay sheegayaan  in ay doonayaan in ay gudubsadaan Sahay uga imaaneysa Saldhigyada kale ee ay Muqdisho ku leeyihiin bacdamaa ay labadaas xero ku yaaliin meel gees ah oo aan magaalada bartankeeda ahayn.
 
Dhowr jeer oo hore ayaa deegaanka Suuqa Xoolaha waxaa uga dhacay iska hor-imaadyo dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo iska hor-maadyadaasna ay keeneen in ay dad badan ka barakacaan deegaanka Suuqa Xoolaha.
 
Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa wuxuu yahay deegaankii ugu horeeyay oo lagu weeraray maalintii ay Ciidamada Itoobiyaanka  Muqdisho ka soo galeen dhinaca Wadada Balcad, iyadoo wixii waqtigaas ka dambeeyayna ay halkaas ka dhacaan weerarro lagu qaado fariisimada ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Xarunta Warshaddii Baastada iyo Xeradii Maslax.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia