Wadada Koowaad ee Suuqa Bakaaraha oo weli cakiran
Arbaco, February 13, 2008(HOL): Magaaalda Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa xalay iyo maanta waxay tahay mid degan marka laga reebo xaaladda wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha oo cakiran kadib markii ay halkaas dhowr jeer ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoyska Howl-Wadaag iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha oo ay ku yaaliin goobo ganacsi oo aad u tiro badan ayaanu maalintii seddexaad wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay iska hor-imaadyo hubeysan oo halkaas ka dhaca.
Dad badan oo goobo ganacsi ku leh hareeraha Wadadaas ayay u suurtageli weysay in ay furtaan goobaha ganacsiga, waxayna qaarkood dib ugu laabteen guryahooda, halka kuwo kale oo ka rajo qaba in ay furtaan ganacsigooda ay ku sugan yihiin meelo aan u dheereyn goobahooda ganacsiga.
Meydka Wiil dhalinyaro ah oo lagu arkay agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad
Meydka wiil dhalinyaro ah oo ay jirkiisa rasaas ku taalay ayaa sakaa lagu arkay agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Degmada Hodan, gaar ahaan Wadada u kacda dhinaca Degmada Dayniile, iyadoo aan la ogeyn ciddii dishay wiilkaas.
Dad ku dhaqan deegaankaas ayaa sheegay in halka la soo dhigay meydka wiilka ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababaray gudaha Dalka Itoobiya, waxayna dadkani sheegeen in ay u maleynayaan in ay toogteen wiilkaas ciidamada Soomaalida ah ama kuwa Itoobiya oo diiday saaka in la qaado meydka wiilkaas.
Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo si gaadmo ah loo toogtay
Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley iyo Qof rayid ah ayaa geeriyooday, Askari kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay si gaadmo ah u toogteen rag bastoolado ku hubeysnaa, xili ay Ciidamadaas joogeen nawaaxiga Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley.
Qofka Rayidka ah ee dhintay ayaa la sheegay in ay haleeshay rasaas ay is-weydaarsadeen Ciidamada Booliska iyo Raggii weerarka ku soo qaaday, wuxuuna qofkaas socday meel u dhow halka uu iska hor-imaadka ka dhacay.
Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Macallin C/llaahi Cali ayaa sheegay in ay Ciidamada Booliska Saldhigga Galbeed ay ku raad-joogaan kooxihii weerarka ku soo qaaday Ciidamada ku sugnaa agagaarka saldhigga, isagoo sheegay in ay rajo ka qabaan in ay gacanta ku soo dhigaan.
Maamulka G/Banaadir oo sheegay in uu Canshuur qaadayo
Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Siyaasadda Axmed Tahliil Warsame oo maanta ka hadlayay kulan todobaadle ah oo ay isugu yimaadaan maalin kasta oo Arbaco ah xubnaha maamulka ayaa wuxuu sheegay in maanta laga bilaabo canshuur laga qaadi doono guryaha iyo goobaha ganacsiga, iyadoo loo eegayo sida ay u kala weyn yihiin waa sida uu hadalka u dhigaye.
Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in marka laga reebo 2 degmo oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir inta kale laga qaadi doono canshuuraha, isagoo sheegay in labadaas degmo la isaga dhaafay arrimo la xiriira ammaanka iyo iyadoo aysan ku sugneyn ciidamada dowladda.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu maamulka Gobolka Banaadir sheego in uu canshuuro ka qaadayo guryaha ay dadka degan yihiin iyo goobaha ganacsiga, iyadoo ay dad badanna is-weydiinayaa waxa loogu qabanayo lacagta canshuurta ah ee uu sheegay maamulka Gobolka Banaadir in uu qaadayo.
In ka badan 300 oo Gaadiid BL ah oo shaqo joojin sameeyay
In ka badan 300 oo Gaadiid BL ah oo ka shaqeynayay Wadada Wadnaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Sanca iyo Suuqa Bakaaraha ayaa maanta darawaliintii kaxeyneysay waxay qaateen in ay iska dhigaan Gaadiidkooda oo aysan ku shaqeynin, iyagoo taasina sabab uga dhigay in aysan bixin karin lacag ay ka dooneyso Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
Lacagta ay Wasaaradda dooneyso oo ka badan 130 Doollar ayaa waxay ku sameysanayaan dadka leh Gaadiidka noocii uu doonaba ha ahaadee Taargo, Buugga Lahaanshaha Gaariga iyo weliba dukumiintiga ogolaanshaha kaxeynta Gaadiidka, iyadoo darawaliintan shaqo joojinta sameeyayna ay sheegayaan in aysan lacagtaas bixin karin oo ay aad ugu badan tahay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia