Arbaco, February 13, 2008(HOL): Mas’uul u hadlay Ururka Jaamacadda Carabta oo lagu magacabao Samiir Xusni ayaa sheegay in aysan casuumad u fidin Mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Samiir Xusni oo Jaamacadda Carabta u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in aaney tallaabo ceynkan ah horay u qaadin, haddii ay qaadi lahaydna ay la socodsiin lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan taasi macnaheedu ahayn in aysan Jaamacadda Carabta daneyneynin in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya.
Danjire Samiir Xusni oo wareysi siiyay Wargeyska Sharqul-Awsat ayaa sheegay in uu si weyn u soo dhaweynayo qorshaha dib u heshiisiinta ah ee uu soo bandhigay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Cadde, wuxuuna caddeeyay in ay Jaamacadda Carabta soo dhaweyneyso xal laga gaaro mushkiladda Soomaaliya.
Hadalka uu bixiyay mas’uulkan u hadlay Jaamacadda Carabta ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Qaahir ay sheegeen in ay kulamo la yeelan doonaan Dowladda Masar iyo Jaamacadda Carabta oo ay martiqaad ka heleen.
Ugu dambeyntiina, Jaamacadda Carabta ayaa tan iyo markii uu Qaran-jabka ku dhacay dalka Soomaaliya waxay indhaha ka eegataa mushkiladda ka taagan dalka Soomaaiya oo ka mid ah Ururka Jaamacadda Carabta, iyadoo aan ilaa iyo haatan la sheegi karin wax ay Jaamacadda Carabta ka qabatay Arrimaha Soomaaliya, marka laga reebo Dalal Ururka ku jira oo si gooni gooni ah isugu howlay inay intii karaankooda ah wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia