Arbaco, February 13, 2008(HOL): Guddoomiye Ku-xigeenka Komishinka doorashooyinka Somaliland Md. Xirsi Cali X. Xasan, ayaa shaaca ka qaaday in muddo 45 cisho ah lagu dhamaystiri doono hawsha diwaan gelinta codbixiyeyaasha, oo laga fulinayo dalka.
Shir jaraa’id oo uu Gudoomiye Ku-xigeenka Komishanku uu ku qabtay xafiiskiisa, ayuu ku sheegay in ay muddo 45 cisho ah ay ku dhamays tiri karaan hawsha diiwaan galintii cod bixiyeyaasha, waxaanu yidhi “Dadka la diiwaan galinayaa waa dadkii maalinta kaliya codayn jiray, ma aha tiro koob sida dadku u dhigaan ee waa diiwaan galin cod bixiye, dadkii maalinta kaliya codayn jiray ayaa 5 cisho lagu ururinayaa macluumaadkooda, 25 cishona la sii diyaarinayaa macluumaadkooda halka 15 kalena wixii ka hadhay la sii qaadayaa, sidaasi ayaanu isla waafaqnay dhamaan waana heshiis qaran, waxana aan rajaynaynaa in Saxaafada iyo shacbigu nagala qayb qaataan hirgalinta arrintan”
Gudoomiyaha Diiwaan galinta cod bixiyeyaasha u qaabilsan Komishanka Doorashoyinka Somaliland Xasan Looshane, oo isaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay ku hawlanayeen baryahan sidii farsamo ahaan iyada oo lagu wada qanacsan yahay loo fulin lahaa diiwaan galinta cod bixiyeyaasha.
“Hawsha waanu ku jirnay oo waxay shaqadu u kala qaybsan tahay dhaqaale raadin iyo farsamo ahaanba waa hawl aanu soo wadnay hada waxaa bilaabmaysa hawl dardar leh oo ku saabsan diiwaan galintii oo dhaqaaleheedii soo dhamaaday qalabkeediina la dalbayo” ayuu yiri Xasan Looshane. Waxaanu intaasi ku daray in la samayn doono in xafiisyadii Gudiyada diiwaan galintu ka furan lahaayeen Gobolada dalka, waxana uu sheegay in maalinta la bilaabayo diiwaan galinta uu Madaxweynaha Somaliland Degreeto ku shaacin doono.
Gudoomiye Ku-xigeenka Komishanka Doorashoyinka oo la waydiiyay in ay heleen dhaqaalihii ku baxayay hawshaas waxa uu yidhi “Kharashkii loogu tala galay hawsha diiwaan galinta cod bixiyeyaasha waanu haynaa, wixii aanu gacanta ku hayno iyo wax noo soo socdaba war war nagama hayo hada kharash” .
Mar la waydiiyay xiliga ay bixinayaan qandaraaska hawsha diiwaan galinta, waxa uu Md. Xirsi Cali X. Xasan ku jawaabay “Waxaan filayaa in Sabtida soo socota laga bilaabo ay furan tahay qandaraaska oo cidii soo doonanaysa ay noo iman karaan, wax la qarinayana ma aha, ilaa imikana waxaanu haynaa ilaa 45 shirkadood cidii kale ee diyaar u ah in ay ku tartanto way ka qayb gali karaan”.
Mudane Xirsi Cali X. Xasan oo ka jawaabayay su’aal ahayd in hal mar ay ka wada bilaabmayso Gobolada dalka waxa uu yidhi “Qorshaha ay isla qaateen Xisbiyada, Komishanka Doorashooyinka, Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Madaxweynaha Qarankuba, waxa weeye Gobol walba in mar la galo kadibna ka ku xiga la bilaabo sidaas ayaa la isla qaatay si hawsha loo kaantarooli karo”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland