Arbaco, February 13, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa xalay waxay Nin rayid ah ku dileen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, iyadoo la sheegay in ragga ninkaas dilay ay ahaayeen kooxo burcad ah.
Ninkani la dilay ayaa la sheegay in uu ka madax adeygay amar ay siiyeen raggii dilay oo ahaa inuu iska soo dhiibo Taleefoon Mobile ah oo uu watay, iyadoo markii uu diidayna ay rasaas ku fureen Mobile-kiina ay ka qaateen.
Xaafadda Mursal ee Magaalada Baydhabo ayuu dilkaas ka dhacay xalay iyadoo weliba ay magaalada ku jirtay bandow ay ku soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, walow uu bandowga yahay mid aan waxba ka bedelin amni darro ka jirta magaalada Baydhabo.
Dhawaan ayay ahayd markii gudaha magaalada Baydhabo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka oo lagu magacaabi jiray Aadan Jajuume, kaasi oo isagoo ku sugan meel lagu shaaho ay kooxo hubeysan toogteen.
Ka sii horna waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay dilal iyo qaraxyo lala beegsaday guryo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta Magaalada Baydhabo iyadoo sidoo kalena maalin cad gudaha Suuqa Baydhabo lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaaladaas, kaasi oo isagoo Suuqaas wax ka iibsanayay la toogtay kadibna laga qaatay Qori uu ku hubeysnaa.
Si kastabata arrintu ha ahaatee, Magaalada Baydhabo oo 240km u jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ammaankeeda wuxuu u muuqdaa mid faraha ka sii baxaya iyadoo marka laga soo tago dadka deegaan ahaan ka soo jeeda uu weli degan yahay Baarlamaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia