Arbaco, February 13, 2008(HOL): Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) ayaa beeniyay hadal ay sii daayeen Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ah in uusan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf dooneyn wada hadal iyo dib u heshiisiin, taasi bedelkeedana uu dagaal ka door-bidayo.
“Warkaas waxba kama jiraan Madaxweynahana Dib u heshiisiin diyaar ayuu u yahay waana madaxweyne nabadeed, dowladdana waa dowlad dib u heshiisiineed, hayeeshee dadka warkaas faafiyay ayaa ah kuwa aan dooneyn in xal la gaaro oo nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya”ayuu yiri Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed.
Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dib u heshiisiinta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in madaxweynaha uu yahay mas’uulka ugu sareeya Dowladda Federaalka oo iyadu go’aankaas qaadatay.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in markii dhegeysteen wareysi uu dhawaan siiyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf TV-ga Universal ay uga soo baxday in uusan madaxweynaha nabad dooneynin, isla markaana uu taasi ka door-bidayo dagaal.
“Annaga waxaan sheegnaa mar kasta in Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho qaarkood ay ku dhinteen dagaalladii dhacay, kuwo kale oo badanna ay guryahoodi ka barakaceen, sidaas darteedna loo baahan yahay in aan dadkaas dagaal dambe loo celin oo la badbaadiyo”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo dhawaan u waramayay TV-ga Universal ayaa sheegay in Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye uu u arkayo kuwo sida uu yiri ay ku shaqeystaan Al-Shabaab, “Waxa nala dagaalaya anigaa kuu sheegayaa, waa Al-Qaacidda, Al-Shabaab iyo Dad Soomaali ah oo markii burburka dhacay Hantidii Dadka iyo tii Qaranka qabsaday oo raba in ay xalaaleystaan, haddii aaney cidi kuu sheegeyneynin weligaa anigaa hadda kuu sheegaya, odayaasha kuwa ay u hadlayaana kuwaas weeye”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
Halkan ka aqriso Wareysiga Madaxweynaha uu biixyay
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia