Arbaco, February 13, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa shaaca ka qaaday in uu qabo in aan wada hadal dhexmara Dowladda Federaalka iyo dhinacyada ka soo horjeeda aan shuruud looga dhigin bixitaanka Ciidamada Itoobiya.
Ra’iisal Wasaaraha oo isagoo ku sugan magaalada Brussels ee Dalka Belgium u waramayay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegay in Dowladdiisa ay diyaar u tahay in ay la bilaabo wada hadallada si loo soo af-jaro dhibaatada 17-ka sano ka taagan Dalka Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in bixitaanka Ciidamada Itoobiya aysan ahayn in shuruud looga dhigo in la wada hadlo, wuxuuna diiday soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ahayd in wada hadalka uu ku xiran yahay iyadoo ay marka hore baxaan Ciidamada Itoobiya.
“Hadda laga bilaabo waxaan qorsheyneynaa dib u heshiisiin loo dhan yahay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo nabad u baahan oo dhibaato ka soo daalay.
“Qof kasta wuxuu na weydiinayaa goormee wada hadal iyo heshiis dhab ah la gaarayaan, sidaas darteed waxaan leenahay ma dheera xiligaas”ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaraha.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde mar uu ka hadlayay bixitaanka Ciidamada Itoobiya waxaa uu sheegay in arrintaas wada hadal lagu gaari karo, “Shuruudda ugu horeyso waa in ay noqotaa in la wada hadlo, isla markaana aan wax ku heshiino..diyaar ayaan u nahay in aan wada hadal la bilowno dadka ka soo horjeeda dowladda, markaasina waxyabaha laga hadlayo ayay ka mid noqon kartaa bixitaanka Itoobiya”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia