Talaado, February 12, 2008(HOL): Iska hor-imaad muddo kooban socday ayaa maanta duhurtii wuxuu ka dhacay Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo iska hor-imaadkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan Isgoyska Howl-Wadaag iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Iska hor-imaadka labada dhinac dhexmaray oo la isugu adeegsaday rasaas xooggan ayaa wuxuu hakad geliyay isu socodkii dadka iyo weliba dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka jiray Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha oo waddo ay ku yaalliin goobo ganacsi oo aad u badan.
Lama oga ilaa iyo hataan wax khasaare ah oo uu dagaalkaas geystay, inkastoo ay dhici karto in ay waxyeello geysatay rasaas aan loo meel dayin oo ay dhinacyadii dagaalamayay isugu adeegsadeen qeybo ka mid ah Wadada Koowaad ee Suuqa Bakaaraha oo ah meel aad u mashquul badan oo ay isaga kala gooshaan dad halkaas mehrado ganacsi ku leh iyo dad suuqa u yimaada in ay wax ka iibsadaan.
Maalin ka hor ayay ahayd markii iska hor-imaad isla wadadaas ka dhacay ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah oo ku sugnaa nawaaxiga shirkadaha Isgaarsiinta ee ku yaala Wadada Koowaad, iyadoo sidoo kalena uu iska hor-imaadkaas burbur ka soo gaaray Gaari Mini Bus ah oo uu ku habsaday Madfac ay soo tuureen Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoyska Howl-Wadaag.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo iska hor-imaadyadaasna ay keeneen inay guryahooda ka barakacaan Dad badan oo ku noolaa guryahooda oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo haatan ay xaalad nolol xumo ah ku heysto inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo weliba Wadada Laamiga ah hareeraheeda ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Iska hor-imaad muddo kooban socday oo ka dhacay Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha
More News
- Ururka Hormarinta Haweenka iyo Caruurta Raxmo Oo Howl Nadaafadeed Ka Bilaabay Magaalada Godinlabe Iyo Deegaanno Hoostaga
- RA’IISAL WASAARE NUUR CADDE: “Hadda Qorshaha iiguma jirto in aan tago Asmara iyo Qaahira laakin Dowladda waxay horay u sheegtay in ay Mucaaradkeeda kula kulmeyso meel kasta”
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo Askari Soomaali ah ku dilay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose
- Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay joojisay howlihii Gargaarka Bani’aadannimo ee ay ka heysay Soomaaliya
- Markab Dagaal oo uu Mareykanka leeyahay oo Xeebta Eyl ku rasaaseeyay Kooxo Burcad Badeed ah
- Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo beeniyay in ay Dhalinyaro ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamka ay ku biireen Dowladda Federaalka Soomaaliya
- UGAAS MAXAMED WELI: “Magaalada Kismaayo Duullaan kuma nihin ee Cadawga Dhulka heysta iyo Dadka raacsan ayaan duullaan ku nahay”
- Shir looga hadlayay qabashada Doorasho lagu soo dhisayo Maamul uu yeesho Isboortiga Gobolka Hiiraan oo lagu qabtay magaalada Beledweyne