Talaado, February 12, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo isagoo ku sugan magaalada Brussels ee Dalka Belgiumu waramayay Wariye Saciid Shiikh Axmed VIP oo halkaas kula kulantay ayaa gaashaanka ku dhuftay in ay u qorsheysan tahay in uu haatan tago magaalooyinka Asmara iyo Qaahira, si uu ula kulmo xubnaha mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Dowladdiisa ka soo horjeeda, inkastoo uu sheegay in ay Dowladda Federaalka horay u sheegtay in ay mucaaradkeeda kula hadleyso meel kasta oo ay joogaan.

Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Javier Solana oo isa salaamaya kadib markii ay dhameysteen kulan ay wada yeesheen
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo wareysigaas bixiyay kadib kulan uu la yeeshay mas’uulka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Ammaanka Mr. Javier Solana ayaa waxaa wax laga weydiiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo mas’uulka uu la kulmay, wuxuuna sheegay in ay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya iyo sida xal loogu heli karo mushkiladaha bani’aadannimo iyo kuwa nabadgelyo ee haatan ka taagan Soomaaliya, wuxuuna intaas ku sii daray in uu Midowga Yurub ballanqaaday in uu Soomaaliya ka kaalmeynayo dhinacyada Dib u heshiisiinta iyo Nabadgelyada.
Waxaa la weydiiyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in ay ka wada hadleen sidii uu Midowga Yurub dhaqaale ugu taageeri lahaa Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ka howgelaya iyo in ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya ka baxayaan, wuxuuna sheegay in arrinta Ciidamada Amisom looga hadlay Shir madaxeedkii Midowga Afrika ee dhawaan lagu qabtay magaalada Addis Ababa haddii ay ahaan lahayd in dhaqaale loo helo iyo in la kordhiyo, dhinaca bixitaanka Ciidamada Itoobiyana waxaa uu sheegay in ay taasi ku xiran tahay Soomaalida oo isu timaada, wada hadasha, iyadoo markaasi kadibna uu soconayo go’aankii la gaaro, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxay horay u sii daayeen hadal ka duwan midka uu bixiyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ee ah in bixitaanka Itoobiya ay ka horeyso in ay Soomaalida wada hadasho, iyadoo mas’uuliyiinta Isbaheysigana ay sheegeen in wada hadal uu ku xiran yahay iyadoo ay dalka Soomaaliya ka baxaan Ciidamada Itoobiya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa maanta wuxuu magaalada Brussels kula kulmayaa Baarlamaanka Midowga Yurub iyo xubno ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Yurub, iyadoo ay dhinacyadaas isla soo qaadi doonaan arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia