Shir looga hadlayay qabashada Doorasho lagu soo dhisayo Maamul uu yeesho Isboortiga Gobolka Hiiraan oo lagu qabtay magaalada Beledweyne


Talaado, February 12, 2008(HOL): Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan Maamulka Isboortiga Gobalka Hiiraan ayaa waxaa siweyn loogu wadda hadlay sidii wax looga qaban lahaa jiritaan la'aanta maamul dhab oo wakiil ka ah habsami u socdda howlaha Isportiga, iyo waliba qabashadda Doorasho madax-banaan oo laga wadda qeyb-galiyo dhamaan bahdda Isportiga ee ku sugan Degmooyinka Gobalku ka kooban yahay.
 
Xubihii ka hadlay kulanka oo intoodda badan ahaa Rag siweyn Magac uga dhax leh Isportiga Dalka ayaa ugu horeyn ka  hadlay Tiiriikhdii uu lahaa Gobalka Hiiraan iyo halka maanta uu marayo Marka la eego dhinaca Isportiga, iyagga oo intaa ku daray in sababaha ugu weyn ee keenay dib u dhaca laggu tilmaami karo jiritaan la'aanta maamul laga wadda qeyb-galo oo ay soo doortaan laamaha Isportiga oo idil.
 
Cali Beerxaano oo ka mid ahaa Cayaartoydii Boodada Sare ee Dalka Soomaaliya oo ka mid ahaa Xubnihii ka halay kulan ayaa sheegay in aan looga baahneyn gudaha Isportiga waxa Soomaalidu maanta ku wareertay ee ah Qabiilka, waxaana uu intaa ku daray in mar walba loo baahan yahay in uu hogaamiyo maamulka Isportiga shaqsi aqoon u leh oo aan loo eegin heybta uu ka soo jeeddo "" Waagii hore waxaa la dhihi jiray bahdda Isportigu waa Isku qabiil, lakiin hadda waxaad moodaa in taa ay soo dhamaatay oo xitaa Isportigii lagu dabaqay arimo siyaasadeed, Qabiil iyo wax la mid ah Ayuu yiri Beerxaano oo sheegay in arimahaa looga bixi karo oo kaliya in la fahansiiyo dhalinta maanta jirta micnaha qotadda dheer ee magacu xanbaarsan yahay.
 
Sidoo kale C/laahi Bay oo ka mid  ahaa bahdii Isportigga Dalka Soomaaliya oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in marka laga hadlayo Doorasho micnaheedu uusan aheyn in cid gaar ah lagu bursanayo, lakiin waxaa uu yiri waa arin dhiiragalin u ah dhalinta maanta jirta si markaa loo tuso in Ispotigu yahay mid ay u madax-banaan yihiin.
 
waxaana uu intaa ku daray in qaban-qaabadda dhismaha Maamul wax la qeybsadda Isportiga kale ee dalku yahay wax lagu faraxo, mar hadii Sanadihii bur burka oo idil gobalka Hiiraan aan lagu arag doorasho lagu soo xulanayo xubno hogaamiya ama ka shaqeeya habsami u socodka howlaha Isporrtiga.
 
Ugu danbeyntiina waxaa kulanka laysku af-gartay in kulamadda la sii waddo ilaa ay ka soo wadda qeyb-galaan xubnaha ku kala maqan Degmooyinka Gobalka oo la sheegay in wadda tashigga arintan ku saabsan ay wax ku leeyihiin si markaa aan Deggmo gaar ah muhiimadda loo siin.
 
Inkastoo ay jirto qaban qaabadda ku aadan dhismaha hoggaan Cusub oo uu yeesho Maamulka Isportigga Gobalka Hiiraan ayaa hadana waxaa xusid mudan jiritaanka Maamul Isporrti oo uu gudoomiye ka yahay Cumar Aadan Deeqow (Cumar Baadiyo) oo sheegay in arimaha socdda yihiin kuwo la doonayo in lagu maja xaabiyo Mas'uuliyadda uu hayo, walow hadana xubnaha qaban qaabadani wadda ay sheegeen in eedeyntaasi tahay mid aan waxba ka jirin oo xitaa Cumar Baadiyow Gudoomiyaha hadda ay ku soo dhaweynayaan hadii uu ka qeyb-galayo doorashadda la doonayo in la qabto.


 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia