Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay joojisay howlihii Gargaarka Bani’aadannimo ee ay ka heysay Soomaaliya

Talaado, February 12, 2008(HOL): Qaramada Midoobay ayaa waxay ku dhawaaqday in ay joojisay howlihii bani’aadannimada ahaa ee ay ka waday Soomaaliya, iyadoo taasina sabab uga dhigtay arrimo la xiriira ammaanka shaqaalaheeda iyo weliba iyadoo dhawaan la weeraray xafiis ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.
 
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku xirka Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in inkastoo aanu weerarkii lagu qaaday xafiiska UN-ka ee Magaalada Muqdisho wax khasaare ah geysan hadana waxaa loogu baaqay hay’adaha UN-ka in ay joojiyaan howlihii ay ka wadeen Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loo tilmaamay Magaalooyinka Muqdisho, Afgooye iyo Kismaayo.

Hay’ado Caalami ah iyo Ururro aan dowli ahayn oo iyana Soomaaliya ka waday howlo Gargaar Bani’aadannimo ah ayaa iyana waxay joojiyeen howshii ay hayeen kadib markii dhawaan qarax miino lagu dilay dhaqaatiir u shaqeyneysay Hay’adda MSF-Holland oo ka howlgeleysay Isbitaalka Kismaayo.
 
Waxyaabaha ugu weyn ee keenay in la hakiyo howlaha gargaarka Bani’aadannimo ee la siinayay dadka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah iyadoo ay jiraan jid-gooyooyin lagu xanibayo in ay mucaawinada gaarto dadka loogu talagalay, weerarro iyo weliba hanjabaado ay mararka qaarkood la kulmaan Shaqaalaha Gargaarka.
 
Ugu dambeyntiina, tallaabada ay qaadatay Qaramada Midoobay ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ay Dad tiro badan oo ka barakacay magaalada Muqdisho, isla markaana ku nool inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ay gargaar bani’aadannimo ay ka heli jireen Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo Caalami ah, waxaana iska cad in haatan ay dadkaas xaaladdooda noqoneyso Cidna uma maqna ceelna uma qodna.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia