Talaado, February 12, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saaka waxay toogteen Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Degmadaas, inkastoo markii Askarigan la tooganayay uusan wadan labiska Ciidamada Dowladda lagu yaqaano.
Askarigan oo lagu magacaabi jiray Muuse Macallin ayay ciidamada Itoobiyaanka toogteen isagoo dhar caadi ah qaba, misana hubeysan, iyagoo kadibna ka qaatay qorigii uu watay.
Wiil uu dhalay Askariga la dilay oo lagu magacaabo Cumar Muuse Macallin ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka markii la weydiiyay sababta ay u dileen marxuumka ay sheegeen in ay ku qaldameen, isla markaana isagoo dhar caadi ah qaba uu hub sitay.
“Wax aan sameyn karno ma jiraan oo aan ka ahayn in aan Meydka aasno”ayuu yiri Cumar Macallin Muuse oo sheegay in Aabihiis oo labo Alifle ahaa uu ka mid ahaa Askar lagu soo tababaray gudaha Itoobiya iyo xerooyin Ciidan oo ku yaala Gobolka Bay.
Waa Askarigii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo ay toogtaan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose tan iyo markii ay halkaas fariisinka ka dhigteen horaantii sanadkii hore.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa waxay toogtaan dadka sida ogaal la’aanta ah ugu soo dhaca meelaha ay Ciidamada Itoobiyaanka kaga sugan yihiin Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia