Talaado, February 12, 2008(HOL): Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ahaa Xoghayaha Gaashaandhigga Maxkamadihii Islaamka, haatanna ah Xoghayaha Gaashaandhgga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyay hadal uu dhawaan sii daayay Guddiga Ammaanka Qaranka oo ahaa in Dhalinyaro ka soo baxsatay Maxkamadaha Islaamka ay ku biireen Dowladda Federaalka Sooamaliya.

Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya- Shiikh Yuuusuf Indha-Cadde
Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo arrintaas warsaxafadeed ka soo saaray ayaa wuxuu sheegay in hadalka ay sii daayeen sida uu u yiri Kooxda Mbagathi uu yahay mid lala yaabo oo aan sal iyo raad toona lahayn.
“Markay ku guul daraysteen una baabac dhigi waayeen xoogagga Muqaawamada ayay bilaabeen in ay dacaayad raqiis ah faafiyaan kooxda Mbagati, waxaana caddeynaynaa in dadka meesha lagu uruuriyay aysan ahayn dad ka tirsan muqaawamada isla markaana ay yihiin mooryaan Xamar laga soo uruuriyay si ay qolada Mbagathi ay beentooda qiil ugu sameeyaan”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde.
Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray inuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayo in aysan dheg jalaq u siinin sida uu u yiri wararka beenta ah ee laga faafiyay Maxkamadaha Islaamka ee la doonayo in lagu marin habaabiyo halganka Umadda Soomaaliyeed.
“Waxaan Umadda Soomaaliyeed ee Halganka ku jirta u sheegaynaa in aysan marnaba dheg u dhigin hadalladaas been abuurka ah oo la rabo in lagu marin habaabiyo halganka Ummada Soomaliyeed, waxaan kaloo idinkugu bisihaaraynaa inay Ciidamada Muqaawamada ay ku midaysanyihiin ka hortagga Cadowga & Kalkaaliyayaashiisa”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde.
Warsaxaafadeedka uu soo saaray Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Guddiga Ammaanka Qaranka uu sheegay in 60 dhalinyaro ah oo ka soo goostay Maxkamadaha Islaamka ay xaflafd soo dhaweyn ah u sameeyeen, iyadoo hadalkaasina ay beeniyeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia