Isniin, 1 December 2008 (HOL): Waxaa soconaya wada hadallo lagu sii daynayo markab laga leeyahay dalka Yemen oo horraantii bishan ay afduubteen kooxo burcad badeed Soomaali ah ,waxayna arintani timid kadib markii Puntland uu soo gaaray safriirka Yemen u qaabilsan arrimaha Somalia Ambassador Axmed Xamiid Cumar.
Kooxaha Burcadda ah ee afduubka u haysta markabkaasi ayaa la sheegay in ay dalbadeen lacag madax furasho ah oo aan ilaa iyo hadda la cayimin inta ay gaaraysao, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada hadalladu ay marayaan meel xasaasi ah.
Safiirka dalka Yemen ayaa mar uu saxaafada la hadlayay ka codsaday maamulka Puntland in gacan laga gaysto sidii loo soo furan lahaa markabkaasi oo in muddo ah gacanta ugu jira kooxo Burcad badeed Somaali ah.
Wararka ku saabsan shaqalaha saaran markabkaas ayaa sheegaya in ay bad-qabaan shaqaalahaas, waxaanse la garaynayn ilaa iyo hadda in la siin doono kooxahaasi lacagta ay dalbadeen ee madax furashada ah.
In ka badan 12 markab ayaa iminka afduub loogu haystaa xeebaha degmada Ayl ee Gobolka Nugaal, halkaasi oo muddo sanado ah ahayd meel laga soo galo Maraakiibta lagu qafaasho Xeebaha Soomaaliya iyo kuwa kale ee isaga kala goosha Bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia