Isniin, December 01, 2008(HOL): Xaaladda Deegaanka Deynuunay ee Gobolka Bay ayaa degan kadib dagaal shalay ka dhacay halkaas, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka oo jid-gooyo u taalay iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalkaas oo waqti kooban socday ayaa waxaa ka hadlay Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo sheegay in ay askari ka dileen Ciidamadii Dowladdaee ay isbaarada u taallay, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen qori gacmeedyo ay ka carareen ciidamadii ay la dagaallameen.
C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in Ciidamada ay la dagaallameen ay ahaayeen kuwo sida uu yiri dadka safarka ah ku dhibaateyn jiray inta u dhaxeysa Degmooyinka Buur-Hakaba iyo Baydhabo ee Gobolka Bay.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Talisyada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Bay oo ku saabsan in Ciidamo Isbaaro u taallay deegaanka Deynuunaay ay kala ceyriyeen Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu deegaanka Deynuunaay dagaal ku dhexmaro Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo ay halkaas dagaallo dhimasho iyo dhaawac geystay ka dhaceen.
Dagaalkan shalay ka dhacay Deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Bay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay Xoogag Islaamiyiin ah la wareegayeen gacan ku heynta deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia