Tartanka is-reeb reebka Gobollada Dalka Soomaaliya oo la soo gebagebeeyay iyo Ciyaartoy ka soo baxday Tartankaas oo lagu daray Xulka Qaranka Soomaaliya

Cabirka Farta


Isniin, December 01, 2008(HOL): Waxaa shalay Magaalada Garowe ee Xarunta u ah Gobolka Nugaal lagu soo gebagebeeyay tartanka is-reeb reebka Kubadda Cagta ee Gobollada Dalka Soomaaliya, waxaana ku guuleystay Tartankaas Gobolka Bari.

Ciyartii kama dambeysta ahayd oo dhexmartay Gobollada Nugaal iyo Bari, isla markaana ahayd mid aad u adkeyd ayaa 90-kii daqiiqo ee loogu talagalay waxay ku soo gebagebowday 2-0 oo ay guushii ku raacday Kooxdii ka socotay Gobolka Bari, iyadoo daawashada ciyaartaasna ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Maamulka Puntland, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dadweyne aad u faro badan.


Tartankaas waxaa soo agaasimay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo Xoghayihiisa guud C/qani Saciid Carab uu Magaalada Garowe u tegay qabashada Tartankan oo ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay sidii loo soo saari lahaa Ciyaartoy meteli karta Qaranka Soomaaliyeed, kuwaasi oo laga soo saarayo Gobollada Dalka Soomaaliya.


Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Saciid Maxamuud Nuur (Mugambe) ayaa HOL u sheegay in tartanka ay ku qabteen Magaalada Garowe uu ahaa mid aad u xiiso badan oo qabashadiisana ay soo dhaweeyeen dadka iyo maamulka Puntland, wuxuuna u mahadceliyay Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Puntland oo si weyn u soo dhaweeyay mas’uuliyiinta ka socotay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

Saciid Mugambe oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in tartankii lagu qabtay Magaalada Garowe ay ka soo baxeen labo Ciyaaryahan oo ka kala socda Gobollada Bari iyo Sool, kuwaasi oo lagu darayo Xulka Qaranka Soomaaliya, dhawaana ka qeybgeli doona tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo 31-ka bishan ka furmaya Magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

“Markii hore ciyaartoyda metesha  Qaranka Soomaaliya waxay isugu jireen kuwo laga xulay Kooxaha ka ciyaaraha Gobolka Banaadir  iyo ciyaartoyd Dalka Dibaddiisa uu ka keenay Xiriirka, laakin hadda wixii ka dambeeya Ciyaartoyda waxay noqon doonaan  kuwo laga soo xulo Gobollada Dalka guud ahaan, markaas kadibna waxaan rajeyneynaa in awoodda Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ay soo noqon doonto”ayuu yiri Siciid Mugambe.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia