Isniin, December 01, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Markabka Faina ee hubka wada ku heysta Xeebaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay Markabkaas ku sii deynayaan afar maalmood gudahood.
Markabka Faina oo wada hub isugu jira Taangiyo, Gantaallo iyo Qalab Mileteri, isla markaana ay saaran yihiin shaqaale u kala dhashay Dalalka Ukraine, Russia iyo Latvia ayaa 25-kii September 2008 waxaa qafaashay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah, kuwaasi oo markii ay qabsadeen kadib sheegtay lacag madax furasho oo malaayiin Doollar ah.
Afhayeenkan u hadlay Kooxahan Burcad Badeedka oo lagu magacaabo Sugulle Cali ayaa sheegay in shirkadda iska leh Markabka iyo iyaga ay heshiis ku gaareen in ay markabka sii daayaan, wuxuuna caddeeyay in ay markabkaas sii deyn doonaan marka ay soo gaarto lacag madax furasho ah oo ay sugayaan, isagoo xusay in ay markabka sii deyn doonaan marka ay lacagtaas iyo raggooda ay fogeystaan.
Lacagta madax furashada ah ee ay dalbadeen kooxda Burcad Badeedka ah oo markii hore ahayd 35 Milyan oo Doollar ayay kooxaha burcad Badeedka ah gaarsiiyeen 8 Milyan gorgortan kadib ilaa ugu dambeyntii lagu soo koobay seddex Milyan oo Doollar.
Haddaba iyadoo Kooxdan Burcad Badeedka ah ay sheegeyso in ay sii deyneyso Markab hubka wada oo indhaha caalamka ku soo jeediyay Soomaaliya waxaa dhinaca kale weli ku jira gacanta kooxihii af-duubtay Markab Saliid wada oo Sacuudiga laga leeyahay, kaasi oo isna saameynta af-duubkiisa durba laga dareemayo Caalamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia