MAXMED SHIIKH YUUSUF: "Mar kasta waxaan diyaar u nahay inaan Wadanka Soomaaliya ku dhaqno Shareecada Islaamka"

Cabirka Farta


Isniin, December 01, 2008(HOL): Wasiir ku xigeenka arrimaha Diinta iyo Cadaaladda, ahna xil-dhibaan ka tirsan Dawlada Federalka Soomaaliya oo shir sharaa'id ku qabtay Magaalada Johannesburg ee waadanka Koofur Afrika ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Wadanka Soomaaliya ku dhaqaan Shareecada Islaamka.

"Mar kasta waxaan diyaar u nahay inaan Wadanka Soomaaliya ku dhaqno Shareecada Islaamka" ayuuna yiri Wasiir ku xigeenka oo warfidiyeenno kula hadlayay Magaalada Johannesburg ee Dalka Koofur Afrika.

Maxamed Sheekh Yuusuf oo socdaal booqasha ah ku yimid Wadanka Koofur Afrika ayaa waxa uu shirkiisa jaraa'id inta badan uga hadlay Xaalada Wadanka iyo halka uu marayo shirka dib u heshiisiinta ee u dhexeeya isbahaysiga dib u xoraynta garabka Djibouti iyo Dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, isagoo wasiirku aad ugu dheeraaday arimaha khilaafka u dhexeeyo Dowlada kumeel garka ah Shirkan oo  uu ku  qabtay xafiiska Hol ee magaalada Johannesburg.

 Xildhibaanka ayaa waxa uu aad uga hadlay khilaafyadii soo jireenka ahaa ee dhex maray Dawladda gudaheeda iyo Soomaalida guud ahaan iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray "Anaga hadaan nahay Dawladda waan is khilaafnay, khilaafna wuu na dhextaagnaa tan iyo xiligii la aas-aasay sidaas oo ay tahayna waxaan wada matelnaa Dawladda hadase waxaa wanaagsan in iyadoo khilaaf gudaha ah jiraa in danta guud la isku raaco ee ah tan Soomaalinimo"

Mar wasiir xigeenka  wax laga waydiiyay heshiisyadii ay wada gaareen Dawladda iyo Mucaaradka ayaa waxa uu aad u taageeray heshiiskaas Jabuuti iyo in Soomaalidu ay iyadu xal wada gaari karto, khilaafka dhex-deeda ahna xalin karto "Anagoo dhan waxaa nahay Soomaali Soomaaliduna ayada ayaa isku filan, hishiiskana waa in labada dhinac ay u fuliyaan sidii loo gaaray” ayuu ku jawaabay Xildhibaan Maxamed  Sheekh Yuusuf .

“Waxaa fiicnaan lahayd in heshiiska qaybta lagu qaybsado qaab xisbiyeed oo laga gudbo tan qabiilika maadaama uu yahay midka dib noo dhigay, taasna waa waxa aan mustaqbalka ku raja waynahay hadiisa qabiil lagu wado waligeed khilaafku ma dhamaan doono" ayuu mar kale yiri  Wasiir ku xigeenka arimaha diinta iyo cadaaladda Maxamed Sheekh Yuusuf.

Xil-dhibaanka ayaa mar kale oo uu sii hadlayay waxaa uu  yiri "Haddii la lahaa Dawladdu Diinta ma rabto waxaa nahay Muslim waxaana qaadanaynaa Diinta, kuna dhaqmaynaa haddii aan helno awood aan ku suuragalinno shareecadda Islaamka, markastana waxaan diyaar u nahay inaan wadanka ku dhaqno Shareecada Islaamka"

Ugu dambeyntiina, Xildhibaan Maxamed Sheikh Yuusuf waxaa uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenadii uu dhawaan magacaabay Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur  Cadde) ee uusan weli aqbalaadda siinin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Saciid Cabdulle Herow Hiiraan Online
[email protected]
Johannesurg  South Africa