Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha oo ka bilaabantay Hargeysa iyo M/weyne Rayaale iyo Guddoomiyayaasha Axsaabta Qaranka oo is-diiwaangeliyay

Cabirka Farta

Isniin, 1 December 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Hoggaamiyayaasha Labada Xisbi Mucaarad ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa saaka arooryadii hore is-diiwaangeliyay, ka dib markii Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka la filayo in ay Somaliland ka qabsoomaan March 2009 ay saaka si habsami ah uga bilaabantay guud ahaan Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa.

Diiwaangelinta ayaa saaka ka bilaabantay 337-goobood oo Guud ahaan Gobolka Maroodi-jeex ee ay xarunta u tahay Magaalada Hargeysa ah, goobahaas oo 137 ka mid ahi ay yihiin gudaha Magaalada Hargeysa. Goobahan ayaa waxa guud ahaan ka hawlgalaya 760-qof, iyada oo goob kastana ay ka hawl-galayaan 8 qof. Kuwaas oo kala ah, laba xubnood oo Komishanka Doorashooyinka ka socda, saddex xubnood oo Axsaabta Qaranka ka socda, laba qof oo Wasaaradda Daakhiliga ka socda iyo sidoo kale Xubin Wasaaradda Cadaaladda ka socda.

Madaxweyne Rayaale, Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golayaasha Dawladda ee kale, ayaa saaka iska diiwaangeliyay goob diiwaangelineed oo ku taala Xarunta Hay’adda Shaqaalaha ee Magaalada Hargeysa.

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa safaf dhaadheer ugu jiray sidii uu qof waliba isu diiwaangelin lahaa, isla markaana uu u qaadan lahaa Laba Kaadh oo kala ah, Kaadhka Codaynta iyo Jinsiyadda ama Aqoonsiga.

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay ka hadlay Diiwaangelinta maanta bilaabantay, isla markaana ugu baaqay Bulshada ku dhaqan Gobolka Maroodi-jeex in ay si habsami ah u gutaan Diiwaangelinta. “Diiwaangelintu ka mid bay ahayd waxyaabaha bar-tilmaameedka laynooga dhigtay. Waayo, maalinba marxaladda ka dambaysa  marxalad tii hore ka hormarsan ayaynu ku tallaabsanaynaa…Waxaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan Maroodi-jeex u soo jeedinayaa in aynu Diiwaangelintaa aynu dhammaanteen Boolis ka noqono oo aynu wada ilaalino oo aynu u shaqayno in ay sida ugu wanaagsan u dhacdo oo aynu Cadowgeena tusno in aynu umad qaddiyadeeda ku adag nahay oo aan liic-liicin Karin oo aan la handadi Karin oo aan Waddadooda laga leexin Karin nahay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Diiwaangelintan ayaa rasmiyan ka socon doonta Gobolka Maroodi-jeex ee Magaalada Hargeysa xarunta u tahay muddo 6 Maalmood ah, hase ahaatee, siday Komishanka Doorashooyinku sheegeen waxa lagu dari doonaa muddo 15 cisho ah oo saddex Kooxood oo kaliya ka shaqayn doonaan, kuwaas oo Diiwaangelin doona dadka aan fursadda u helin in ay is-diiwaangliyaan.

Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland ayaa hore uga soo qabsoontay Gobollada Awdal iyo Saaxil, kuwaas oo siday sheegayaan tirada hordhaca ah ee ay shaaciyeen Komishanka Doorashooyinku dadka idka diiwaangeliyay ay yihiin kuwo aad u tiro sarreeya.






Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland