Khamiis, August 07, 2008(HOL): Dood Cilmiyeedkii Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa la soo gaba gabeeyay, kaasoo looga hadlay looga hadlay doodo fara badan oo ku aadan waxyaabaha Diinta Islaamka ku banaan iyo waxa aan ku banaaneyn.
Afhayeenka Ahlu Sunna Wal-Jamaacah Sheekh C/qaadir Maxamed Somow ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeyay Dood-Celmiyeeydkii maalmahan Qaar ka mid ah Culimadda Ahllu Sunna Waljamaca uga Socday Hotelka Global ee Magaalada Muqdisho.
Doodan oo socotay intii u dhaxeysay 27-kii Bishii July ila 7-dii Agoosto, waxaana ka qeyb qaadanayay Qaar ka mid ah Culumada Ahllu Sunna Waljamaacah oo ka kala Socday Goboladda Banaadir, Shabelaha Hoose, Bay, Shabeelaha Dhexe iyo kuwo kale ayaa waxa intii ay socotay ay si weyn uga dooden Xaalada Dhabta ah ee haatan ka jirta Gudaha dalka Soomaliya, dhibatooyinka shacbiga Soomaliyeed haysta xilligan iyo sida looga gudbi karo, dilalka Foosha xun ee lagula kacayo Dadka waxtarka u leh Bulshada iyo waxa ay diinta Islaamka ka qabto iyo waliba doorka shariifka ah ee kaga aadan culimadda Soomaliyeed, dhibatooyinka ay sababeen dagaalada ka soconaya qeybo ka mid ah dalka iyo sida lagu joojin karo Barakaca ku yimid shacbiga oo ay sababeen dagaladda iyo is jiid jiidkja siyaasadeed ee haatan ka jira Soomaliya, in la tagero Dib u heshiisiinta Ummadda Soomaliyeed, gaar ahaan wada hadalada u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka qodobo kale oo muhiim ah.
Culimadda ayaa intii uu socday doodan waxay si weyn isugu dhaafsadeen wajibaada ka saran culimadda oo ah in ay suuliyaan xumaanta wanaagana ay faraan bulshadda iyo waxa ay fareyso diinta islamka.
Sidoo kalana waxay is tuseen xaaladaha jira xiligaan iyo sida ay culimadu u wajihi karto, iyadoo la raacayo dariiqa toosan ee ay dinteenna ina fareyso iyo axaadiith-ta rasuulkeena NNKH.
Mudadii ay socotay dooddan ayaa waxa ka qeyb galay Culumaa’udiin si weyn loogaga yaqano guud ahaan dalka, kuwaas oo si weyn uga hadlay faa'iidada ay leedahay doodaha nuucaan oo kale ah iyo sida had iyo jeer loogu baahan yahay in la joogteeyo.
Afhayeenka Ahlu Sunah Waljamaacah Sheekh C/qaadir Maxamed Soomow oo hadlay ayaa ku dheeraaday Natiijooyinkii ka soo baxay dooda , wuxuuna sheegay in wixii haatan ka dambeya ay culimadu u howl geli lahaayen in ay sameeyaan wacyi gelin ballaaran oo dadku lagu wacyi gelinayo in ay ka hortagaan wax alla iyo wixii khilafsan Sunada Nabigeena NNKH.
C/Casiis Xasan Maxamed
[email protected]