Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sharci darro ku tilmaamay wareegtadii xilka looga qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Cabirka Farta

Khamiis, August 07, 2008(HOL): Iyadoo weli uu taagan yahay khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo salka ku haya Xil ka qaadistii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa waxaa khilaafkaas qoraal ka soo saaray Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre.

Xeer ilaaliyaha oo qoraalkiisa ku tix-raacayay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo xilka looga qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)  iyo wareegto kale oo  ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo xil-ka-qaadistaas lagu diidayay ayaa wuxuu sheegay in wareegtada ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ay ahayd mid aan sharci ku fadhin.

Xeer Ilaaliyaha wuxuu ku sheegay qoraalka uu soo saaray in Qodobka 44aad farqooyinkiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ay dhigayaan in madaxweynaha kaliya uu sharci u leeyahay in uu wax magacaabo, waxna xilka qaado, halka uu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu leeyahay soo jeedin oo kaliya.

Waxaa kale oo uu Xeer ilaaliyaha soo daliishaday Qodobka 85aad ee Dastuurkii 1960-kii kaasi oo uu sheegay in uu xusayo in madaxweynaha kaliya uu wax magacaabi karo, Ra’iisal Wasaarahana uu leeyahay kaliya soo jeedin.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre ayaa sheegay in uu qoraalkan soo saaray kadib markii uu sida uu yiri uu ka codsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in ay ka hadlaan sharci ahaanshaha waxyaabaha ay isku hayaan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia