Khamiis, August 07, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa xalay waxay dileen Madaxii Xarunta Wiilasha Agoonta Lafoole C/qaadir Yuusuf Kaariye, kaasi oo markii la dilayay ku sugnaa nawaaxiga gurigiisa oo ku dhow Xaruntaas.
Dad goob-joogayaal ahaa oo markii marxuumka la dilayay ku sugnaa meel u dhow halka uu dilka ka dhacay ayaa waxay sheegeen in ay rag hubeysan marxuumka kala soo baxeen gurigiisa kadibna ay ku dhufteen dhowr xabadood oo uu u geeriyooday.
Marxuum C/qaadir Yuusuf Kaariye ayaa wuxuu gacanta ku hayay Xaruntii Agoonta Lafoole tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna dhawaanahan ka mid ahaa dadka u ololeeya sidii nabad iyo nolol u heli lahaayeen dad badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood uu ku soo dhaweeyay xarunta uu gacanta ku hayay.
Intii aan la dilin marxuumka wuxuu ka qeybgalay banaanbax looga soo horjeeday dilalka iyo Af-duubka loo geysanayo shaqaalaha Hay’adaha Samafalka, kaasi oo muddo todobaad ah ka socday inta u dhaxeysa Deegaannada KM13 iyo Lafoole, wuxuuna marxuumka ka sheegay mid ka mid ah banaanbaxyadaas in ay ka soo horjeedaan dilalka iyo af-duubka lagula kacayo shaqaalaha Hay’adaha, isagoo kuwa falalkaas ku kacaya Alle uga baryay in uu bulshada dhaafiyo.
Dilka loo geystay marxuumka waxaa si weyn u cambaareysay Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman, taasi oo sheegtay in ay ka xun tahay falkii dilka ahaa ee naftiisa lagu dhaafiyay Marxuum C/qaadir Yuusuf Kaariye.
Cali Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa) oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman ayaa sheegay in falka lagu dilay marxuumka uu lid ku ahaa Shareecada Islaamka, Xeerarka Caalamiga ah ee la isla aqoonsan yahay iyo Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.
“Xanuun buu nagu hayaa dilalka loo geysanayo dadka bulshada u dhaqdhaqaaqa ee uu ugu dambeeyay C/qaadir Yuusuf Kaariye, waxaana leenahay bulshada waa in ay ku baraarugtaa falalkaas lagu dabar-jarayo dadka bulshada wax-galka ah u ah”ayuu yiri Cali Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia