|
|
| Wasiirka Gaanshaandhigga Canada- Peter Mackay |
Wasiirka Gaashaandhigga Canada Peter Mackay ayaa sheegay in Markabka ay u soo dirayaan Xeebaha Soomaaliya uu galbin doono Maraakiibta ay soo kireysato Hay’adda WFP ee raashinka mucaawinada ah u wada Soomaaliya.
“Gaarsiinta Raashinka mucaawinada ah si deg deg ah ayaa looga baahan yahay dalka Soomaaliya, laakin amni darrada ka sii dareysa ee ka jirta Soomaaliya ayaa waxay mid adag ka dhigtay in raashinkaas Badda iyo Berriga lagu gaarsiiyo dadka u baahan”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Canada Peter Mackay oo sheegay in ay kaliya howshoodu noqon doonto in ay Maraakiibta mucaawinada waday ay si nabadgelyo ah ku geeyaan Dekedaha loo xusho.
Dowladda Canada waxay noqotay Dowladdii ugu horeysay oo ka jawaabtay codsi ay dhawaan Hay’adda WFP u jeedisay Dalalka Caalamka, kaasi oo ku saabsanaa in Maraakiibteeda raashinka Mucaawinada ah u wada Soomaaliya loogu deeqo Maraakiib dagaal oo ka ilaaliya Kooxo Burcad Badeed ah oo ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya ee aaney cidina ilaalin.
8-dii bilood ee aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa ilaalinayay raashinka mucaawinada ah ee ay WFP u soo marsiiso Soomaaliya dhinaca Badda Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin Dalalka Holland, France iyo Denmark, iyadootan iyo xiligaasna aan la af-duub Maraakiibta u raran Hay’adda WFP.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia