Khamiis, August 07, 2008(HOL): Sida HOL ay u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamadan waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Magaalada Beledweyne soo gaaraan Ciidamo lagu soo tababaray dalka Itoobiya kuwaas oo la filayo in lagu wareejiyo sugida Nabad-galyada Magaalada oo ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamadda Itoobiya.
Saraakiishu waxaa ay intaas ku dareen in muddo ku dhan 2 Sano ah tababar uga socday Ciidamada dalka Itoobiya, waxaana ay intaas raaciyay in qeybtoodii ugu horeysay ay soo gaareen Gobalka inkastoo aysan si rasmi ah carabka ugu dhufan halka ay ku sugan yihiin, iyaga oo intaas sii raaciyay in marka ay gudaha u soo galaan Magaalada la wareegi doonaan xarumaha hada ay degan yihiin kuwa Itoobiya.
"Waa Ciidamo Awood leh tababaran una shaqeynaya qaabkii lagu yaqiinay Ciidamadii Xoogga dalka” ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha oo dhinaca kale sheegay in looga baahan yahay shacabka wada shaqeyn si markaas loogu guuleysto yoolka la higsanayo ee ah in wax laga qabto amaan darida taagan.
Laakiin marka laga soo tago warkan ka soo yeeray Saraakiisha dhinaca kale waxaa bar bar socda abaabul ay wadaan Golaha Odayaasha dhaqanka si markaa loo helo Ciidamo Madani ah oo kuwa Itoobiya kala wareega sugida Amaanka.
Mid ka mid ah Odayaasha oo aan wax ka weydiinay sida ay u arkaan Ciidamada la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin Magaalada, waxaa uu yiri ''Annagu qorshaheenu ma'aha arimo Militari kaliya waxaan ka shaqeyn doonnaa wixii ay maslaxadda ku jiro”.
Waxaase dhab ah in uu jiri cadaadis Odayaasha uga imanaya dhinaca Xoogagga Maxkamadaha oo sheegay in aysan u dulqaadan doonin in Ciidamada Itoobiya lagu badalo sida ay hadalka u dhigeen kuwo dhaqankooda leh oo ay ula jeedaan kuwa lagu soo tababaray dalka Itoobiya.
Ugu dambeyntiina, Waxaana muuqneysa in arintan ku saabsan soo galitaanka Ciidamada tababarka ku soo qaatay dalka Itoobiya uu muran xoog leh ka dhax dhalin doono Saraakiisha iyo Odayaasha dhaqanka oo ah kuwo ku dadaalaya in mar walba ay ku dhaqaaqaan wax kasta oo meesha ka saari kara dagaal ka dhaca gudaha Magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somaliya
Ciidamo lagu soo tababaray dalka Itoobiya oo loo diyaarnayo in ay la wareegaan sugidda Nabad-galyada Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Dood Cilmiyeedkii Ahlu Sunah Waljamaacah oo la soo gaba gabeeyay iyadoo go'aamo laga soo saaray
- Weerar Madaafiic loo adeegsaday oo lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Baydhabo
- Maamulka Puntland oo uga digay Musharaxiinta ka qayb galaysa doorashooyinka Puntland in ay wax hub ah ku dhex qaataan Gudaha Magoolooyinka Puntland
- Madaxii Xarunta Wiilasha Agoonta Lafoole oo la dilay
- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sharci darro ku tilmaamay wareegtadii xilka looga qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
- Dowladda Canada oo ballanqaaday in ay ilaalineyso Maraakiibta Raashinka Mucaawinada ah geysa Soomaaliya
- SHIIKH AADAN MADOOBE: “Cid kasta oo ka dambeysay Qaraxii ay waxyeellada ka soo gaaray Haweenkii Nadaafadda ka shaqeynayay waxay ahayd cid aan damiir lahayn”