Maamulka Puntland oo uga digay Musharaxiinta ka qayb galaysa doorashooyinka Puntland in ay wax hub ah ku dhex qaataan Gudaha Magoolooyinka Puntland

Cabirka Farta

Khamiis, August 07, 2008(HOL):  Madaxwaynaha Dawlada Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Cadde ayaa sheegay in Musharaxiinta ka qayb qaadanaysa doorashada sanadka soo socda ka dhacaysa Puntland aysan wax hub ah ku dhex qaadan karin Gudaha Magaaloyinka waa wayn ee Puntlnad.
 
Madawxwaynaha DGPL ayaa hadalkaan sheegay xili uu kulan shalay Gelinkii danbe kula qaatay Madaxtooyada Magaalada Boosaaso Madaxwayne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Af-qurac iyo qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada.
 
Wasiirka Warfaafinta Puntland C/raxmaan Maxamuud Bangax oo saxaafadda ka hor akhriyay waxyaabihii ka soo baxay kulankii u madaxwaynaha la qaatay Golihiisa Wasiirada ayuu si rasmi ah u sheegay In looga hadlay inta badan kulankaasi doorashada ka dhici doonta Puntland Sanadka soo socda ee 2009.
 
Waxaa sidoo kale uu Wasiirka Warfaafinta tilmaamay in Musharaxa Muwaadinka ah looga baahanyahay in uu ilaalayo daganaanshaha shacabkiisa, isla markaana ay Mamnuuc tahay in wax hub ah ay Musharaxiinta ku dhax qaataan qeybo ka mid ah Puntland.

Dhamaan deegaanada Puntland waxaa ka soconaya diyaar garaw xooggan oo ay Musharaxintu ugu jiraan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka Puntland ka dhici doona,waxaana jagadaasi Iminka isku soo taagay Musharaxiin aad u fara badan.
 
Sanadka soo socda ee 2009 ayaa Puntland lagu wadaa in ay ka dhacdo doorasho xaq ah oo xor ah taasi oo ay ka wada qayb qaadan doonaan dhamaan Musharaxiinta jagadaasi iminka isu soo taagtay.

Faysal Maxamed Xasan (Boston)
[email protected]
Bossaso, Somalia