Madaxweyne Rayaale oo go'aan saddex qodob ah ka soo saaray muranka dhoofka Xoolaha Somaliland

Cabirka Farta

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin
Arbaco, 06 August 2008 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa go'aan saddex qodob ka kooban ka soo saaray muranka dhoofka Xoolaha ee dalka ka jira, isla markaana guddi 4 Wasiir ah u magacaabay xalinta muranka.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed arrintan ku saabsan oo Madaxtooyada ka soo baxay, waxa uu Madaxweynuhu fasaxay tiro Xoolo ah oo muddooyinkanba ku xannibnaa Magaalada Berbera, kuwaas oo lagu eedeeyay inay burinayaan heshiis ay Xukuumaddu la gashay Ganacsade Sacuudiyaan ah oo lagu magacaabo Al-Jaabiri, hase ahaatee waxa uu Madaxweynuhu uga digay Ganacsatada dhoofisa Xoolaha inay Xoolo dambe oo ka hor imanaya Heshiiska lagula jiro Al-Jaabiri la geeyo Magaalada Berbera.

Go'aankan Madaxweynuhu soo saaray wuxuu u dhignaa sedan:
"Madaxaweynaha JSL wuxuu go'aamiyay..

1- Xoolaha hadda jooga Dekedda Berbera hadda la fasaxo.

2- In Muddada shanta bilood ah ee Maxjarka ka hadhay furitaankiisa aan la keenin Xoolo dambe ciddii keentaana ay iyadu masuuliyaddeeda iska leedahay.

3- Madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddi ka kooban Wasiirada, Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax, Xannaanada Xoolaha Idiris Ibraahim Cabdi, Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali, Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cali Maxamed Waran-cadde, oo arrimaha Xoolaha ay xidhiidh kala yeelata Rugta Ganacsiga iyo Ganacsatada Xoolaha."

Barkhad M. Kaariye,  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland