| Marwada Madaxweyne Yuusuf-Marwo Xaawo Cabdi Samatar |
Marwada Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxay sheegtay in ay si weyn uga xumaatay qaraxii naxariis darrada ahaa ee lala beegsaday haween nadaafadda ka shaqeynayay, kuwaasi oo qaarkood ay qaraxa ku geeriyoodeen, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Marwada Madaxweynaha waxaa ay sheegtay in haweenkaas ay ahaayeen kuwo iyagoo aan heysan cid noloshooda damaanad qaadeysa ku dhiiraday in ay qashinka iyo carrada ka nadiifiyaan Magaalada Muqdisho, “Qof kasta oo damiir leh waa uu ka xanuunsanayaa dhibaatadii loo geystay Haweenkaas, waxaana Alle uga baryeynaa in kuwii dhintay uu Janadii ka waraabiyo, kuwii dhaawacmayna uu caafimaad siiyo”ayay tiri Marwada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Marwada Madaxweynaha ayaa deeqdaas lacageed waxay u marsiisay Haweenka dhaawacmay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay u gurmadaan haweenkaas oo ku jira Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kalena waxaa haweenkaas maanta la gaarsiiyay deeq lacageed oo ay soo dhiibeen Jaaliyado Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Dibaddiisa iyo weliba Maamulka Gobolka Banaadir, garabka uu Hoggaamiyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xilka ka qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Haweenkan dhaawac ahaanta loo dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku dhaawacmeen Qarax maalmo ka hor ka dhacay agagaarka Shineemadii Soomaaliya ee Wadad Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho, iyadoo markii uu qaraxa haleelayay Haweenkan ay ku howlanaayeen howlo nadaafadeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia